WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland December 11, 2016 (Saxafi) – Xaflado kala duwan oo lagu xusayay Maalinta Caalamiga ah ee Xuquuqal Insaanka 10 December, ayaa shalay ku qabsoomay magaalada Hargeysa, kuwaas oo lagaga hadlay arrimaha la xidhiidha xuquuqda Aadamaha, waxaana munaasibadahaas ka mid ah laba xafladood oo ay soo kala qabanqaabiyeen ururka VOSOMWO oo u dhaqdhaqaaqa Beelaha laga tirada badan yahay iyo Komishanka Xuquuqal Insaanka Qaranka Somaliland.

Ururka VOSOMWO ee u dhaqdhaqaaqa Beelaha Gabooye ee Jamhuuriyada Somaliland ayaa kulan lagu xusayo maalinta Xuquuqda Aadamaha Aduunka ee 10-ka December oo shalay ku beegnayd ugu qabtay magaalada Hargeysa Guddiyada Xaafadaha Hargeysa, gaar ahaana IDP-yada.

Kulankan lagu xusayey maalinta xuquuqda Aadamaha ayaa warbixino lagaga dhegaystay guddiyada xaafadahaasi iyo haday jiraan wixii tacadiyo ah ee dhacay sanadkan sii dhamaanaya.

SomlegalAds

0997755Gudoomiyaha ururka VOSOMWO Marwo Faysa Cabdilaahi Diiriye oo halkaasi ka hadashay ayaa sheegtay in qof kasta looga baahan yahay inuu dhawro xuquuqda bani’aadamka oo aanay ku tacadiyin.

Waxaanay Marwo Faysa ka dhagaysatay warbixino ay gudiyada xaafaduhu ay ku soo bandhigeen caqabadaha ku gedaaman, waxa ay hadalkeeda ku bilawday “Maalintan Caalamiga ah ee Xuquuqal Aadamaha oo ku beegan maanta 10-ka December, ka urur VOSOMWO ahaan waxaanu usoo qaban qaabinay shirkan inay ka soo qaybgalaan dhamaan guddiyada xaafadaha ee aanu la shaqayno ee IDP-yada ah.Waxaanu kulankan ku lafa-guri doonaa sidii aanu uga dhawaajin lahayn, xuquuqda aadamaha ee aasaasiga ah qof waliba uu u leeyahay in la ilaaliyo, sidoo kalena haday jiraan tacadiyo ka dhaca xaafadaha ee jira in aad nala wadaagtaan, oo aynu si wada jira ugu xusno maalintan xuquuqal Aadamaha.

VOSOMWO ahaan iyo guddi ahaanba waxa aanu u taaganahay in aanu xusno maalinta xuquuqal Aadamaha Caalamiga ah, qof walibana waxa uu leeyahay xuquuq aasaasiya oo ay tahay in la ilaaliyo ilaa marka uu dhasho iyo ilaa inta uu ka dhimanayo, qofkuna aanu qofka kale ku xadgudbin, oo aynu nidhaahno xuquuqda Aadamuhu waa lama taabtaan, oo ouu xaq u leeyahay inuu Noolaado, inuu wax barto, inuu wax cuno iyo inuu meel uu u hoydo helaba.

 Waxaanan idiinka mahad celinayaa sidaad usoo ajiibteen wakhtiga, waxaanan sidoo kale u mahad celinayaa qolada naga taageerta dhinaca dhaqaalaha ee UNHCR iyo NRC oo is-kaashanaya”. Ayay tidhi Marwo Faysa CAbdilaahi Diiriyo oo ah Gudoomiyaha Ururka VOSOMWO.

Boqorka Guud ee Beelaha Gabooye Boqor Iimaan Axmed Warsame oo isaguna kulankaasi lagu xusayey maalinta xuquuqal Aadamaha ee 10-ka December ayaa waxa uu yidhi “Maalintan xuquuqal insaanka ee ku beegan 10-ka bishan December hambalyo ayaan u dirayaa dhamaanba aduun weynaha, aniga oo si gaar ah u hambalyeynaya dhamaanba dadka tirsada tacadiga ee aduun weynaha jooga amaba dhibta ka tirsada caalamka, gaar ahaana Somaliland. Waana laga bixi doonaa dhibta iyo tacadiga Insha Allaahu Tacaalaa, laakiin waxa la idiinka baahan yahay samir iyo waxqabad in aad idinka qudhidiinu la timaadaan.

Inta badan Tacadiga Somaliland marka aynu ka hadlayno way iska soo dhamaatay wax yar ayaa hadhay, dadkan shiciba aynu walaalaha nahay ee aynu la noolnahay ee Somaliland in badan way ka horumareen tacadiga, waxaanad moodaa in boqolkiiba sideetan ay imika iska soo suulayso ama ay iska soo baahayso arintaasi arintaasi, dad badana way fahmeen, laakiin waxa hadhay oo doorkeedii laga sugayaa waa xukuumada talada haysa oo awood u leh, isla markaana fulintii haysa oo wax u sheegi kara ummadda waa xukuumada, haday tahay Xukuumada Somaliland iyo haday tahay xukuumada Somalia ba, markaa xukuumada Somaliland waxa looga baahan yahay inay suuliso dhibta ay tirsanayaan dadka halkan degani”. Ayuu yidhi Boqor Iimaan Axmed Warsame.

Dhinaca kale, Munaasibad si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa lagu xusayey maalinta xuquuqal insaanka oo sanad walba la xuso bisha December 10 oo u asteysan maalinta xuquuqal insaanka, iyadoo sanadkii 1949ki loo aqoonsaday 10-ka bisha December in ay noqoto maalinta xuquuqal insaanka dunida

Munaasibadan lagu xusayey maalinta ayaa waxa ka soo qaybgalay gudiga xuquuqal insaanka qaranka jamhuuriyada Somaliland,.

Munasibadan xuska ah oo lagu qabtay magaalada Hargeysa, ayaa waxa ka soo qayb galay guddoomiyaha gudiga xuquuqal insaanka qaranka, xubnaha guddigan, gudoomiyaha xisbiga Waddani, gudomiyaha gudiga cadaalada xisbiga Waddani, xeer ilaaliyaha qaranka, wasiirkii hore arrimaha bulshada, wasirul dowlaha arrimaha bulshada, marti sharaf kale iyo masuuliyin kala duwan oo lagu marti qaaday munaasibada xuska xuquqal insaanka.

Ugu horayn, gudoomiyaha gudiga xuquuqal insaanka qaranka Somaliland marwo Fadxiya Xaaji Xuseen ayaa ka warbixisay taariikhda maalintani ay leedahay iyo asbaabta loo asaasay iyadoo sheegtay in dagaalkii aduunka labaad oo tacadiyo ka dhacay dagaalka ka dib la isku raacay in 10ka December loo aqoonsado maalinta xuquuqal insaanka aduunka, waxana hadalkeedu uu dhigna sidan “Waxa inoo farxad ah inaynu maanta (shalay) xusayno maalinta  xuquuqal addamaha 10ka December 1949kii waa maalintii loo asteeyey in ay noqoto maalinta xuquuqal addamaha aduunka, ka dib markii dagaalki labaad adduunka 1934kii ila 1945kii ay ka dhaceen tacadiyo ka dhan ah xuquuqda insaanka ah dunida dhamaanteed.”

Dhinaca kale, Xeer Ilaaliyaha Guud Ee Qaranka Somaliland Xasan Axmed Aadan oo isna dhankiisa sheegay muhiimada wayn ee ay leedahay in laaliyo xuquuqal insaanka iyo qiimaha maalintani ay leedahay, waxana hadalkiisa ka mid ahaa “Xeerka ciqaabaadka wuxu ku salaysan yahay ha ahaato qofka in 48 saacadood gudahood ha lagu horgeeyo maxkamada awooda u leh ha ahaato qofku waa dambi la’we ila dambiga lagu helo, ha ahaato in qofku uu leeyahay xaqa in uu isdifaaca, haa ahaato xoriyaadka saxaafada iyo hoyga qofka intuba hadana shuruucdeena dalku aad bay uu ilaaliyeen oo xaq ilaalin badan ayey siiiyeen. Anagu kuwa ku dhaqana ee la moodayo in xuquqal insaanku in uu ka baxsan yahay, shurucda kale wa kuwa.”

Ugu dambayntii, wasiirkii hore wasaarada arrimaha bulshada iyo arrimaha qoyska Cumar Yare ayaa ku dheereeday in diinteena suuban ee Islaamka iyo kitaabkeena Qura’anka kaariimka uu ina faray in waajiib tahay ilaalinta xuquuqda qofka islamarkana uu sheegay in diinteena hore ay inagu sheegtay ilaalinta xuquuqda qofka.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.