WorldRemitAds

Mid ka mid ah arrimaha layaabka dunida, waa xaalad ka jirta dalka Serbiya, waana mid qof kasta oo booqda xabsi ku yaala dalkaasi uu la kulmo, sida wariyayaal madax banaan oo boqday ku warameen, magaalada Sramesca Mitrovica ee dalka Serbiya, waxa ku yaala mid ka mid ah xabsiyada ugu waaweyn dunida, uguna ilaalada iyo gaadhka adag.

Xabsigan waxa wajahadiisa hore ku yaala hudheel darajada koowaad ah, ama haddii si kale loo dhigo, mid ka mid ah hudheelada lagu raaxaysto, waxaanu hudheelkani ka dhex dhisan yahay xabsi si adag ammaankiisa loo ilaaliyo lagana yaabo in dadka ugu halista badan ee dhagar qabayaashu ku xidhan yihiin.

SomlegalAds

Sida suxufiyiintani ku warameen, marka qofka martida ahi hudheelkaas ka soo galo albaabka hore, waxa soo dhawayn diiran ku qaabila, qof ka mid ah shaqaalaha hudheelka, kaas oo u hogaansha albaabka qolka soo dhawaynta, halkaas oo marka qofku kiraysto, ka dib uu kaxeeyo qof shax shax badan oo u hogaamiya, qolka uu degayo ee furihiisa la soo siiyay, waxa uu qofkaas lagu daray ruuxa martida ah, siiyaa dhamaan adeegyada uu u baahan yahay iyo sida uu ku heli karo.

Run ahaantii xaaladaasi waa mid dabiici ah oo ka jirta hudheel kasta oo derajada koowaad ah, waana hab ay shaqaalahooda u tababaraan, inay u jab jabnaadaan soo dhawaynta martida hudheelka ku soo degaysa, qancina u yeeshaan wax kasta oo ay ka dalbadaan.

Hasa yeeshee isla hudheelkaas haddii uu qofku damco inuu albaabka danbe ka soo galo, waxa uu la kulmayaa xaalad taa hore, oo waxa uu ku soo beegmayaa, qayb silig lagu dayray oo qoryo rasaastu dhuunta u taalo iyo gaadh adag oo ku amran in qof kasta oo ka soo gudba xad loo  dhigay ay toogtaan ku sugan yihiin.

Sida wariyayaashu sheegayaan cabsidaasi maaha mid qofka dalxiisuhu la kulmo, oo waxa jira in hore loogu sii war galiyo, waxaanu marka uu hudheelka dego ee baadhitaan lagu sameeyo loo ogolaadaa inuu albaab salaam qof kaliyii fuuli karo leh, oo cidhiidhi ah ka soo galo gudaha jeelka, halkaas oo uu arkayo, gaadhka adag ee ku wareegsan iyo sida loo maamulo maxaabiista.

Looma ogola habeenkii inay dalxiisayaashu gaadhaan albaabka danbe ee hudheelka oo waxa lagaga soo dayraa, silig la xidh xidho galabtii, waana qaab ay ku wada shaqeeyaan hudheelkan iyo xabsigaasi.

Sida wararku sheegayaan hudheelkan ayaa faa’iidada ka soo gasha dalxiisayaasha, kaga qayb qaata horumarinta xabsiga iyo taageero uu ka siiyo cuntada iyo daryeelka maxaabiista ku xidhan xabsigaas.

Waxa xusid mudan in shaqaalaha hudheelkaas, qaar badan oo ka mid ahi yihiin, maxaabiis ama ka tirsan yihiin dadka ku xidhan xabsigaas, kuwaas oo loo soo xulo, kuwooda wakhtiga xukunkoodu soo dhamaanayo ama danbiyadoodu fudud yihiin, waxaanay ka hawl galaan maalintii oo dhan gudaha hudheelka iyadoo si taxadir leh dusha looga ilaalinayo.

Mid ka mid ah maxaabiista shaqaalaha ka ah hudheelkaas oo ah wiil da’diisu dhawr iyo labaatan jir tahay ayaa suxufiyiintii booqday xabsigaas uga waramay, sida aragtidiisu tahay, waxaanu sheegay in cuntooyin badan oo hudheelka lagu iibsho ay maxaabiistu soo saarto, sida khudaarta, beedka, digaaga iyo waxyaabo kale oo hudheelku adeeg ahaan u isticmaalo.

Maxbuuskan da’da yar oo lagu magacaabo, Orosovij ayaa ka waramay sida uu ugu faraxsan yahay, inuu sanado uu maxbuux ahaa ka dib nuurka arko, si xoriyadi ku jirtana u shaqeeyo, waxa uu xusay in wakhtiga xukunkiisu ka dhamaanayo dhawaan, inta uga hadhayna uu ku dedaalayo inuu dhaqan wanaagsan iyo dabeecad fiican ku shaqeeyo, si aanu mar kale xabsiga ugu noqon.

Dhinaca kale mid ka mid ah dadka dalxiisayaasha ah ee marti ahaanta ku degan hudheelkaas oo ka hadlayay, dareenkiisa iyo sida uu arko ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay, sababtoo ah? Waxa uu wax ka baranayaa nolosha dhabta ah ee dadka maxaabiista ah, waxa kale oo uu ninkani niyad wanaag ka muujiyay in lacagtiisa uu hudheelkaas ku kiraystay qayb ka mid ahi galayso maxaabiista oo ka caawinayso noloshooda.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.