WorldRemitAds

Dhacdo layaab leh oo dadka badankooda aad uga nixisay ayay ku kaceen qoys Shiine ah oo danyar ah, qoyskan ayaa la sheegay in ay ka dhimatay gabadh ay dhaleen oo laba jir da’deedu tahay, taas oo xanuun ku dhacay awgeed ugu dhimatay gurigooda.

Sida wakaaladaha wararka dunidu ku warameen, waxa qoyskan oo aan awoodin, inay Naxash ama sanduuqa lagu rido, soo iibsadaan, ay go’aansadeen inay ku ridaan shandad ay ka heli karayeen gurigooda, taas oo ay dhex dhigeen.

SomlegalAds

Qoyskan oo aan lahayn gaadhi ay ku qaadaan ayaa sidoo kale shandadaas la soo raacay basaska dadweynaha, hasa yeeshee waxa ay arrintaasi fashilantay ka dib markii la ogaaday ee askari ka mid ah boolisku uu mariyay qalabka lagu baadho oo uu ogaaday in meyd ku jiro shandada.

Markii la arkay meydkaas ayaa cidii sidatay shandada oo ahayd qoyskaas la qabtay oo boolisku bilaabeen inay su’aalo ka waydiiyaan, meydkan iyo cida uu yahay, hasa yeeshee markii ay xaqiijiyeen inay tahay gabadhoodi oo ka dhimatay oo aanay haysan gaadhi ay ku qaadaan iyo sanduuqa lagu rido ay isla garteen inay shandadaa ku qaadaan ulana safraan magaaladii ay ka soo jeedeen si ay halkaas ugu aasaan.

Baadhitaan dheer ka dib waxa boolisku sii daayay, qoyskaas ka dibna waxa ay boolisku siiyeen gaadhi ay ku qaataan meydkaas, si ay ugu aasaan magaaladoodi, hasa yeeshee may sheegin wararku in la siiyay, wax sanduuq ah oo ay meydkaas ku ridaan.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.