WorldRemitAds

Dhacdo ka yaabisay dadkii joogay iyo kuwii shabakadaha wararka dunida ka daawaday, ayaa ka dhacday dalka Hindiya, oo nin ka mid ah dadka ku dhaqan dalkaasi uu meel fagaare ah ku shaabuugeeyay xaaskiisi, isaga oo sababo dhaqankiisa la xidhiidha awgeed u sameeyay falkan foosha xun.

Sida wargeyska Daily Mail ee dalka Ingiriiska ka soo baxaa ku waramay, nin Hindi ah ayaa boqol Jeedal xaaskiisa ku fuliyay, ka dib markii sida uu sheegay uu xukun ku saabsan inuu shaabuugeeyo uu ka helay maxkamada dhaqanka ee degaankiisa.

SomlegalAds

Sida ka muuqda muuqaal Fidiyow ah oo wargeysku baahiyay, ninkan ayaa xaaskiisa ku xidh xidhay geed, oo inta uu labada gacmood ka del delay, ka dibna sibitoor ama jeedal ka samaysan Suun ku garaacay, halkaas oo qayladu ka yeedhay.

Dad aad u tiro badan ayaa ku sugnaa fagaarahan uu ninkan reer Hindiya ku karbaashay xaaskiisa, laakiin may jirin cid u soo gurmatay oo wax ka qabatay ama isku dayday, inay dhex gasho oo wax ka waydiiso ama ka qabato.

Ninkan ayaa la sheegay in sababta uu xaaskiisa u dhengadeeyay la xidhiidho xad gudub ay kula kacday, kaas oo sida wararku sheegayaan, la xidhiidha amar la’aan ay guriga kaga tagtay, ama sida wararka qaarkood xuseen ay Haweenaydani todobaad ka hor isaga oo aan u ogolaan ay guriga isaga tagtay, muddo dhawr maalmood ahna ay guri ehelkeeda ah baxsi ku joogtay.

Ninkan ayaa xaaskiisa ku fuliyay xukun maxkamad dhaqan oo ku taala degaanka uu degan yahay ee The tuulada Bolandshahr oo ka tirsan, gobolka Uttar Pradesh ee dalka Hindiya ku taala, taas oo ku amartay inuu boqol jeedal ka jaro oo uu waliba meel fagaare ahna ku dhengadeeyo.

Haweenaydan ayaa markii xukunka ninkeedu ku fulinayay ay dhamaysatay saacado ka dib baxsatay oo isku dhiibtay ciidamada ammaanka, kana ashkataysay xaaskeeda iyo dad badan oo ka mid ahaa kuwii fagaaraha lagu shaabuugeeyay ku sugnaa, ka dibna booliska ayaa xabsiga u taxaabay ninkeedi iyo sodon qof oo fagaaraha lagu dhengadeeyay haweenaydan ku sugnaa.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.