WorldRemitAds

Nin musixir ah oo ka mid ah dadka waxyaabaha khiyaalka ah ee indho sarcaadka ah ka soo daaya telefishanada, ayaa mar kaliya dab qabsaday oo dhaawac culus iyo gubasho ka soo gaadheen madaxa iyo wajiga, waxaanu ninkani bilaabay inuu markiiba eedeeyo ninkii barnaamijka baahinayay oo uu sheegay inuu weerar ujeedaysan ku soo qaaday wakhti uu ku gudo jiray arrimihiisi khiyaaliga ahaa.

Saaxirkan oo lagu magacaabo, Wayne Hutten, waxa uu barnaamij uu indho sarcaadka ku soo bandhigo ku leeyahay, telefishanka Jamhuuriyada Dominican, waxaanu ku guda jiray wakhtiga dabku madaxa ka qabsaday, qaybo ka mid ah barnaamijkiisaas.

Sida uu sheegay ninkani isaga oo wada sixirkiisi ayaa wariyihii barnaamijka baahinayay uu madaxa ka ga shubay shay sida gaasta oo kale ah ama dareere ah, kaas oo suura gal ka dhigi kara in dab ka kaco meesha lagu shubo, sida uu sheegayna dareerahaasi waxa uu sababay in dab qabsado.

SomlegalAds

Ninkan oo baahiyayaashii barnaamijku u gurmadeen kuna guulaysteen in ay bakhtiyaan dabkaas madaxa ka qabsaday, waxa uu ku qaylinayay, waxa dabka I qabadsiiyay barnaamij baahiyaha, waxaanu sheegay in uu si adag uga waxyeeloobay madaxa isaga oo si adag u eedaynayay kuna tilmaamay shirqool in loo dhigay.

Inkasta oo la bakhtiiyay dabkii qabsaday, haddana waxa muuqday dhaawac aad u wayn, oo qoorta, madaxa iyo gacanta midig, waxaana qasab noqotay in loola cararo cusbitaal halkaas oo lagaga dawaynayo laakiin la tilmaamay in xaaladiisu adag tahay.

Ninkani wallow uu khiyaal iyo waxyaabo indho sarcaad ah samayn jiray, waxa batay qayladiisi waxaana laga dareeray bandhigii uu barnaamijkaas ku soo bandhigayay isaga oo barroortiisa awgeed loo fadhiyi kari waayay, sida laga soo xigtayna waxa ka soo hadhayn uun waa la I shirqoolay, waan xanuunsanayaa waxaan dareemayaa xanuun badan ee iila carara cusbitaalka.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.