WorldRemitAds

Ciidamada Milatariga dalka Ruushka oo tan iyo intii ka danbaysay burburkii midowgii soofiyeeti, isticmaalayay dirays kuwa reer galbeedka gaar ahaan kuwa Maraykanka  ciidamadiisu ku labistaan, ayaa baadhitaano dheer ka dib go’aansaday in gabi ahaanba ay badalaan oo uga guuraan dirays ka duwan ka ay wakhtigan isticmaalaan.

Taliska guud ee ciidamada milatariga Ruushka ayaa cadeeyay in baadhitaano wakhti dheer laga dhex waday ciidamada dalkaas lagu ogaaday, in kumanaan ka mid ah ciidamada Ruushku u dhinteen xanuuno kaga dhacay feedhaha, lafaha iyo qaybo ka mid ah neef mareenada jidhka taas oo ay ugu wacan tahay, noocyada dirayska ee ay ku badasheen kii midowgii Soofiyeeti ee Burburay oo ah mid khafiif ah oo aan iska difaaci karin ama aan qabowga jilaalka ka celin karin askarta.

Ciidamada Ruushka ayaa caadiyan ku labisan jiray dhar u gaar ah oo uu ikhtiraacay mid ka mid ah duqaydooda milatariga oo lagu magacaabo, Valentin Eodashkin, kaas oo caan kaga ah ciidamada qaab dirayska uu milatarigooda u sameeyay iyo sida uu anfacay ee ay dhibaatooyin badan ugaga badbaadeen.

SomlegalAds

Hasa yeeshee is badal lagu sameeyay dirayskii ay ku labisan jireen ciidamada Ruushku oo wakhtigii Midowga soofiyeeti burburay, ay uga guureen kuwo aad ugu qaab dhow kuwa reer galbeedka, gaar ahaan Maraykanka ayaa sababtay in ciidamada badankooda ay ku dhacaan xanuunada wakhtiyada jilaalka ah ee barafku dhaco laga qaado, sida qaaxada iyo kuwo kale oo tiro badan, kuwaas oo sababay dhimashada in badan oo ka mid ah ciidamadii xanuunadaaasi haleeleen.

Ninkan isagu lahaa dirayskii hore ee ciidamada Milatariga Ruushka ayaa iska fogeeyay eedaha loo jeediyay, waxaanu wakaaladaha wararka u sheegay in cida leh eedaasi tahay, taliska guud ee ciidamada Ruushka oo noloshii askartooda dhaafsaday, laaluush ka dibna galaaftay naftoodi.

Mid ka mid ah saraakiisha sar sare ee ciidmada milatariga Ruushka ayaa isna dhiniciisa ku andacooday, in halista jirta la buun buuniyay oo aanay suura gal ahayn in la yidhaahdo, ciidamada Ruushku way ku dhimanayaan dirayska ciidamada Milatariga Maraykanku ku labistaan, laakiin ay jiraan ayuu yidhi dhibaatooyin farsamo oo in la saxo u baahan, afhayeenkan ayaa sheegay in sanad kasta ciidamada Ruushku kharash gareeyaan, lacag tiro badan, isla markaana wax ka badal yar oo lagu sameeyo dirayska ciidamadu u baahan doonto afar milyan oo lacagta Yuurada ah in bil kasta ay ku korodho dakhliga kharashka ku baxa askarta dalkaas.

Kooxaha dhaliila qorshayaasha milatariga dalkaas ayaa sheegay in wax is badal ah aan lagu samayn doonin dirayska ciidamada, cida u dhibanaan doontaana ay tahay uun askarta, kooxahan oo si wayn u canbaareeyey ka taajirida dhiiga iyo nolosha nolosha ciidanka ayaa ku soo qoray jariirada

“Aesfstia” ee ka soo baxda dalka Ruushka warbixin la xidhiidha sida maamulka ciiddamada Milatariga ee dalkaasi uga dhego adaygaan, wax kasta oo ay u arkaan inuu kharash cusub ku soo dalici doono xukuumada, sababtoo ah ayay leeyihiin, waxa ay taasi ku keenaysaa in dib loo qod qodo oo wax laga ogaado musuq maasuqa tirada badan ee ay ku jiraan.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.