WorldRemitAds

Booliska dalka Imaaraatka carabta gaar ahaan kuwo imaarada Dubai ayaa todobaadkan ku dhaqaaqay, talaabo la yaab leh oo ku cusub nidaamka waddo marista ee caalamka iyo dalkaas, ka dib markii ay wadayaasha sharciga baal mara, halkii ay ka ganaaxi lahaayeen ugu badalay xalwad iyo macmacaan ay siiyeen dirawalada.

Talaabadan ay qaadeen booliska nabad galyada waddooyinka ee dalka Imaaraatka carabta gaar ahaan magaalada Dubai, ayaa taliyahoodu ku sheegay inay tahay mid ka qayb ah xuska todobaadka waddo marista khaliijka oo gabi ahaanba laga xusayo waddama khaliijka.

Taliyaha taraafikada Dubai oo u waramay warbaahinta kala duwan gaar ahaan, kuwa dalkiisa ka hawlgala ayaa go’aankan ku tilmaamay mid looga dan leeyahay waano iyo wacyi galin la siinayo wadayaasha gaadiidka, gaar ahaan kuwa aan xidhan suunka ammaanka, ama wakhtiyada ay waddada ku jiraan isticmaala telefoonada gacanta, kuwa aan laydhadhka tilmaamaha leexashada sideeda ugu dhaqmin.

SomlegalAds

Hasa yeeshee waxa aan ku jirin kuwa xawaaraha xad dhaafka ah ku kaca, waxa kale oo aan iyaguna sharcigan lagu dabaqayn kuwa ka baxsada ama iska dhaafa ishaarooyinka, sida taliyuhu sheegay waxa ay arrintan u door bideen si dirawalada loo tuso in booliska nabad galyada waddooyinku iyaga u shaqeeyo oo aanu ahayn mid ciqaaba, balse yahay mid jecel wanaagooda.

Wadayaasha gaadiidka iyo dadwaynaha ku dhaqan dalkaas ayaa si wayn u soo dhaweeyay talaabadan, waxaanay qaar ka mid ah oo warbaahinta la hadlay ay ku tilmaameen mid isku soo dhawaansho ka dhex abuuraysa ciidanka nabad galyada waddooyinka iyo wadayaasha gaadiidka oo si u kala cabsoon jiray.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.