WorldRemitAds

Dhacdo layaab leh ayaa ka dhacday degaanka Vermont ee dalka Maraykanka, ka dib markii nin beeraley ah oo boolisku xidhay cadho daraadeed uu burburiyay gaadiid tiro badan oo boolisku lahaayeen, ninkan oo lagu magacaabo, Roger Pion da’diisuna tahay afar iyo sodon jir ayaa boolisku taxaabay kuna eedeeyeen inuu iibiyo xashiishada, hasayeeshee markii danbe waa la sii daayay.

Markii la sii daayay ayaa ninkan oo ka cadhaysan xadhigii lagula kacay uu soo kaxaystay cagaf cagaf wayn oo uu lahaa, beertiisana ku qodan jiray ka dibna waxa uu ku burburiyay todoba ka mid ah gaadiidka boolisku adeegsadaan.

Ninkan ayaa cagaf cagaftiisa la dhex qaaday gaadiidkii saldhiga deegaanka lagu xidhay oo hor yaalay saldhiga, kuwaas oo uu burbur culus u gaystay, intooda badana ka dhigay kuwo aan lagu shaqayn karin, booliska ayaa sheegay in khasaaraha ninkaasi gaystay ee uu kula kacay saldhigaas iyo gaadiidkii ka hawl gali jiray lagu qiyaasayo laba boqol iyo konton kun oo doolarka Maraykanka ah.

SomlegalAds

Booliska ayaa wakhtiga dhacdadani dhacday aan ka war hayn oo dhamaantood ku jiray gudaha shirna ku lahaa, waxaanay ku ogaadeen ficilka ninkaasi kula kacay ka dib markii qof jaarka ahi telefoon u soo diray ee uu uga waramay sida wax u dhaceen iyo ninka cagaf cagafta ku burburiyay gaadiidkoodi dibada u yaalay.

Sida wakaaladaha wararku ku warameen booliska iyo taliyayaashoodi ayaa markii ay soo baxeen, arkay in gaadiidkii u yaalay oo dhami wada burbursan yahay, waxaanay awoodi kari waayeen inay helaan gaadhi ay ninkaas ku soo qabtaan oo kaga daba tagaan, in badan oo ka mid ah hubka ay isticmaalaan iyo is gaadhsiintii oo dhamina waxa ay sida wararku sheegayaan kaga burbureen falkaas ninkaasi kula kacay.

Booliska ayaa sida goob joogayaal ku sugnaa degaanku ku warameen, waxa ay lug ku tageen, geerash u dhow oo degaankaas ku yaalay halkaas oo ay gawaadhi ninkaas lagu eryado ay ka soo kiraysteen, ka dibna sidaa ku hawl galeen.

Ninkan ayaa si deg deg ah boolisku uga daba ordeen markii ay gaawaadhi kale soo kiraysteen, hasa yeeshee waxa uu iska dhego maray inuu istaago, waxaanu isku dayay inuu dagaalka sii wado, hasa yeeshee cidi waxba kumay noqon dagaalkiisa danbe, ugu danbayntiina waxa uu isku dhiibay booliska, kuwaas oo markii ay soo xidheen ka dib lagu sii daayay damaanad lacageed oo dhan $ 15-kun oo dollar.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.