WorldRemitAds

Sanadka inagu soo foolka leh ee 2017-ka waxa dalka Ruushka si rasmi ah loogu furi doona, Telefishan Islaami ah, kaas oo noqon doona kii ugu horeeyay noociisa ah ee dalkaasi si rasmi ah looga diiwaan geliyo, xukuumada dalkaasina si buuxda u taageerto.

Sida wakaaladaha wararka dunidku ka soo xigteen muftiga guud ee muslimiinta dalka Ruushka, Roshan Cabbaasov, waxa uu telefishankani noqon doona, mid si dhabb ah uga turjumi doona, diinta iyo dhaqanka suuban ee shucuubta Muslimiinta dalkaas ku dhaqan, gaar ahaan qoomiyada Qooqaaska loo yaqaano ee dalka Ruushka.

Dedaal balaadhan oo xafiiska Muftiga Muslimiinta Ruushku sameeyay, ayaa suur gal ka dhigtay in telefishanada waaweyn ee dalka Ruushku ay ogolaadaan, inay iskaashi la samayn doonaan telefishankan cusub ee islaamiga ah.

SomlegalAds

Waxaana sida xafiiska Muftigu sheegay, uu telefishankan Islaamiga ah ee Raashiya noqon doona, mid iskaashi xukuumada iyo masuuliyiinta guud ee Ruushka ku shaqayn doona, oo si toos ay maamulkiisu u hoos iman doono.

Telefishankan oo lagu bilaabi doona luuqada Ruushka ayaa lagu wadaa in mustaqbalka dhow uu yeelan doono, laamo kale oo afafka Ingiriiska iyo Carabiga ku bixi doona, waxaanu noqon doona telefishankii Islaamiga ahaa ee ugu horeeyay ee Muslimiinta Ruushku yeeshaan.

Inkastoo ay jiraan boqolaal hilin oo afafka dadka kala duwan ee Muslimiinta Ruushka ku baxa, haddana intooda badani kama hadlaan diinta, oo kaliya waxa jira telefishanada maxaliga ah oo qudha oo baahiya, wacdiyada diiniga ah, hasa yeeshee waxa uu telefishankan cusubi noqon doonaa mid caalami ah oo baahiya diinta Islaamka oo kaliya.

Dalka Ruushka waxa ku nool boqol iyo lixdan milyan oo qof, kuwaas oo rubuc ka mid ahi muslimiin yihiin, waxaanu dalka Ruushku yahay waddanka, Muslimiinta ugu badani ku nooshahay shanta waddan ee ugu quwada wayn dunida iyo guud ahaan sideeda waddan ee ugu horeeya warshadaha dunida.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.