WorldRemitAds

Taleex, Somaliland, December 22, 2016 (Saxafi) – Daanyeero raxan raxan u socda ayaa la sheegay inay soo weerareen xoolaha ku dhaqan deegaanka Taleex iyo Xudun ee gobolka Sool, ka dib markii ay nolol adag kala kulmeen nolosha deegaankii ay ku noolaan jireen.

Daanyeerkan weerarka ku haya xoolaha ayaa la sheegayaa in markiiba inta uu ku dego neefka ay qabsadaan ay cunayaan, taas oo dhalisay in rag hubaysan ka ilaaliyaan Xoolaha daanyeerkan gaajaysan ee xoolaha cunaya.

Dad ku nool deegaanadan ayaa sheegay in Daanyeerkani u eegyahay mid gaajaysan oo laga yaabo inay taabatay abaarta ka jirta deegaanka, waxaanay sheegeen in xiitaa geella ay cunayaan oo aanay xoolaba dhaafeyn. “Waxaa ii sheegay rag geela la joogay in boqolaal Daanyeero ahi ay soo wareereen kaddib dhaawac halis ah u geysteen laba halaad’’ ayuu yidhi nin ka mid ah dadka deegaankan oo ka hadlayey dhibaatadda uu daanyeerkani ku hayo xoolaha.

SomlegalAds

“Daayeerka waxaa uu ku dhow yahay in uu dabar jaro xoolaha,, maalin kasta waxaad arkaysaa mid ay cuneen oo inta ay hareereeyaan ayey markiiba kala goosanayaan” ayuu  nin kale oo isna ka waramayey daanyeerkan gaajaysan ee xoolaha cunaya.

Daanyeerka ayaan dabeecadan lagu aqoon islamarkaana ku noolaa dhirta iyo cayayaanka, balse aan xoolaha iyo dadka toona Hilibkooda hungurayn jirin.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.