WorldRemitAds

Addis Ababa, Itoobiya, December 22, 2016 (Saxafi) – Shir ka socday magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya oo u dhaxeeyay xukuumadda Somaliland iyo maamulka Khaatumo ayaa laga laga soo saaray heshiis hor dhac ah.

Shirkan oo shalay la soo gabagabeeyay ayaa lagu gaadhay go’aammo kow iyo toban qodob ka kooban, oo u badan maamul daadajin, caawimo iyo amaanka.

img-20161221-wa0020-1024x768Shirkan wada hadalka Somaliland iyo Khaatumo oo bilaabmay 17-kii December ayaa gabagabadiisa waxa ka soo qaybgalay masuuliyiin ka socday wadamada UK, Itoobiya, Kenya, UAE iyo Midowga Yurub, waxaana ay masuuliyiintan labada dhinac ugu baqeen in ay ka qayb qaataan gurmaadka abaaraha ka jira dalka jamhuuriyadda Somaliland, sida uu wargeyska Saxafi uu xaqiijiyay safiir ku xigeenka Somaliland u fadhiyaa dalka Itoobiya Ayaanle Salad, waxana sidoo kale uu sheegay in masuuliyiinta labada dhinac balansan yihiin taariikhdu marka ay tahay 10 February ee sanadka 2017.

SomlegalAds

00333Qodobada ay ku heshiyeen masuuliyinta Somaliland iyo Khaatumo oo nuqul ka mid ahi wargeyska Saxafi soo gaadhay waxaa uu dhignaa sidan “Waxaa bishii 17-ka December 2016 ka bilaabmay magaalada Addis Ababa, Ethiopia. Shir ay isugu yimaadeen Somaliland iyo Khaatumo, shirkaas oo ku bilaabmay kuna dhamaaday jawi wanaagsan iyo niyad saami ayaa waxa la isla qaatay

  1. In wada hadalada iyo wada xaajood lagu dhameeyo khilaaf kasta oo jira.
  2. In wixii fadqalalo iyo dacaayad gudheena ah, in la joojiyo melena looga soo wada jeedsado
  3.  In meel looga soo wada jeesto wixii gacan sadexaad ah ee farogelin ku samayn kara inta wada hadaladu socdaan
  4. In laga wada xaajoodo wixii ku saabsan dhiig iyo dhaqanba
  5. In laga wada shaqeeyo xoojinta nabadgalyada
  6. In ciidamada Somaliland ee ku sugan Gobolka Sool, deegaamada Sanaag bari iyo Buuhoodle dib loo qoorsheeyo joogitaankooda iyada oo la tixgelinayo marwalba baahida iyo xalaada nabadgalyo siday tahay
  7. In aan la qorin ciidamo beeleedyo cusub inta wada hadaladu socdaan
  8. In maamul daadejin buuxda la sameeyo oo taabanaysa dhinacyada: siyaasadda, dhaqalaha, maamulka, arrimaha bulshada, nabadgalyada
  9. In wada jir looga hawl galo sidii mashaariic waawayn oo horumarineed looga hirgelinlahaa goboladaas
  10. In layska kaashaado sidii gargaar loogu raadin lahaa, loona gaadhsiinlahaa dadka ku tabaaloobey abaaraha
  11. In hay’daha samafalka ee caalamiga ah iyo kuwa qaramada midoobey ka hawlgalaan kana qaadan xayiraada goboladaas.”

Heshiiska waxaa labada Dhinac u kala saxeexay, Gudoomiyaha weftiga Somaliland Dr: Sacd Cali Shire iyo Guddoomiyaha weftiga Khaatumo: Maxamuud Sh. Cumar Xassan.00993332

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.