WorldRemitAds

Addis Ababa, Itoobiya, December 22, 2016 (Saxafi/ Africa News Info) – Wefti sare oo ka socda dowlada boqortoyada dalka Sucuudi Arabiya ayaa soo gabagabeeyay boqasho ay ku joogeen dalka Itoobiya oo ay kula kulmeen raysal wasaraha dalkaas iyo qaar ka mid ah wasiirada xukuumadda federalka Itoobiya, islamarkaana ay kaga wada hadleen xidhiidhka iskaashi ee ka dhaxeeya labada wadan.

Wefiga ka socda dowlada boqortooyada Sucuudi Arabiya oo uu hogaaminayo la taliyaha aqalka boqortooyada dalka Sucuudi Arabiya ahna gudomiyaha sanduuqa kaydka mashaariicda horumarrinta dalkaas Axmed Al Khateeb ayaa soo gabagabeeyay booqasha-diisa maalintii sabtida, iyagoo socdaalkan ku qaatay 14-kii ilaa 16-kii bisha ee todobaadkan, waxana weftigani daba socdaa dhowr todobaad ka hor ayaa raysal wasaraha dalka Itoobiya Hailemariam Daselegn oo booqday Sucuudigu, waxaa uu ugu baaqay inay ganacsatada Sucuudigu ay maalgashadaan dalka Itoobiya. Waxaana ay wadda hadal uu la galay boqor Salman bin Cabdiasis bin Sucuud iskula garteen in uu u soo diro Ethiopia wefti ganacsato iyo maalgashadayaal ka kooban.

saudi-high-level-delegation-concludes-ethiopias-visitWeftiga dalka Sucuudi Arabiya intii ay ku gudo jireen boqaashadooda magaalada Addis Ababa ayaa waxa ay la kulmeen raysal wasaaraha Itoobiya iyo wasiirka arrimaha dibada iyo shan xubnood oo ka mid ah golaha wasiirada sida ay xiqiijiyeen masuuliiyinta wasaarada arrimaha dibada dalka Itoobiya, waxaana booqashaddan ay ku fasireen mid la xidhiidha indha-indhaynta fursadaha maalgashi ee ka jira Ethiopia,. Wasiirka wasaarada xanaanada xoolaha iyo kallumaysiga Prof Fekadu Beyene ayaa la sheegay inuu weftiga Sucuudiga ugu baaqay inay maalgaashadaan Xoolaha dalka Itoobiya, sida uu xaqiijiyay sarkaal sare oo ka tirsan wasaraadaas, waaxdeeda xidhidhka dadwaynaha. “Dalka Itoobiya waxa uu leeyahay xoolaha ugu badan qaraada Afrika oo dhan, sidaa awgeed ganacsatada dalka Sucuudi Arabiya iyagoo ka faa’ideysanaya waxaa ay haystaan fursad ay ku maalgashadaan qaybta ganacsiga xoolaha.” Sidana waxa yidhi wasiirka xanaanada xoolaha Ethopia, Mr. Fekadu.

SomlegalAds

Xubin ka tirsan wasaarada arrimaha dibada oo ka gabsaday in magaciisa la xuso oo uu waramay wargeyska Sudan Tribune ayaa sheegay in ujeedada boqashada weftigan ka socda dalka Sucuudi Arabiya ku salaysan tahay xoojinta iyo kor u qaadida xidhiidhka siyaasadeed iyo dhaqaalaha bulsheed ee labada dal. Xubintani waxa kale oo uu sheegay in weftiga ka socda dalka Sucuudi Arabiya ay ka codsadeen xukuumada federaalka Itoobiya 100,000 kun oo Hectare oo dhul ah iyagoo ka samayn doona warshad magaceeda la yidhaa Alfalfa plant oo samayn doonta cuntada xoolaha isla markaana midenaysa mashruucaas iyo baaraandegidda xoolaha.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.