WorldRemitAds

W/Q: Mujaahid Cali Gurey

Cali Gurey maaha wax qof ka badan. Laakiin, marka uu dan ummadeed ka talinayo tiisa isaga u gaarka ah ma eego, hebel kale jacaylkiisa iyo nacaybkiisana wax tixgelin ah ma siiyo. Wixii hore ee soo maray iyo dadka kale waxay leeyihiin ama odhan doonaan midna dan iyo muraad kama galo. Waa bashar inu qaldami karo og in la saxana ogol.

Hadaba Cidda aaminsan inta Cabdiraxmaan Cirro u tagtayna inay quman yihiin aniga oo Muuse raacayna aan qaldanahay waxan leeyahay waa iyaga iyo garashadooda. Anigu xil siyaasi ah umaan soo qabanin Somaliland, sida inta Cirro ku xeeran musuqmaasuq iyo eex iyo qaraabo kiil iyo boob hanti ummadeedna la ii tirin maayo. Halka ay iyagu ku socdaan uma socdo oo waxay doonayaan waa wixii ay lumiyeen inay la soo noqdaan oo aniga taasina wax ii yaal maaha hadii ay la soo noqon karaan iyo hadii ay afka caws la waayayaanba.

SomlegalAds

Somaliland waan aqaan inta ugu xogogaalsanna ka mid baan ahayn. Kuwii shanta sanadood xukuumaddan wasiirada ka ahaa ee Muuse Biixi baa musharaxii Kulmiye ka noqday isu wada casilay ee WADDANI tagay anigu kumaan qoonsanin laakiin way ogyihiin oo ma laha mana odhan karaan anaguna sax baanu nahay Caligureyna wuu qaldan yahay. Bal hadii ay ku dhici karaan waa u fasax eh ha yidhaahdaan ama nin siyaasi ah oo si fiican loo garanayaa ha yidhaahdo oo dadka ha u bandhigo sida ay kuwaasi sax ku yihiin aniguna aan ku qaldanahay.

Shacbiga Somaliland gaar ahaan inta wax garadka ah ee dalkooda iyo dadkooda danaynaysa waxan u sheegayaa ogyihiina in aanay jirin fursad ay wax badan ku kala dooran karaan. Ragga musharixiinta u ah xilka Madaxwaynaha Somaliland lama odhan karo waa kuwii ugu mudnaa. Hadii sharciga iyo nadaamkeena doorashadu uu ogolaan lahaa musharax la tartama oo madaxbanaan xaaladu sidan jiq umay ahaateen oo suurtogal noqon lahayd in musharax intoodaba dhaama aynu la soo bixi lahayn. Laakiin, maanta suurtogal inooma aha. Marka aanan ku darin ninkii labada goor ee hore isa soo sharaxay ee labadiiba guuldaraystay ee ugu taageerada yaraa waxa inoo soo hadhay waa labada kale ee kee baa dhinaca hogaaminta ku roon? Anigu qof baan ahay waxan u arkaa Muuse Biixi Cabdi eh ma dembi baan galay? Maya ee qaylada yeedhay waxan u qaadanayaa in anigu keligay aan ka saamayn badan karo colkii qaxay ee Muuse Biixi uga yaacay Xukuumadii iyo xisbigoodiiba ee intay is wada casileen WADDANI iyo Cabdiraxmaan Cirro hoosta ka wada galay sababtana waxan u qaadanayaa in anigu aan runta uga dhawaan karo. Haddana anigu waan ku ixtiraamayaa go’aankooda hadii ay diyaar u yihiin in iyaguna ay kayga igu ixtiraamaan. Yaa sax ah yaa qaldan? Waxa go’aanka iska leh codbixiyayaasha Somaliland natiijada doorashada ayaana sheegi doonta hadii Alleh yidhaa. Inta tartanku ka dhexeeyo oo dhami waxay xaq u wada leeyihiin inay helaan saaxad ay u siman yihiin taasina waa doorasho xor iyo xalaal ah. Aniguna Muuse wax aan intaa ahayn kuma raacsani.

Maadaama aanu Madaxwaynaha xilka hayaa isagu tartanka ku jirin waxan ku rajo waynahay in doorasho xor iyo xalaal ah oo ku dhacda wakhtigeeda uu dalka ka qaban doono hadii Alleh yidhaa uu ku soo af jari doono muddo xileedkiisa taas oo kaalin muhiim ah ka noqon doonta waxqabadka intii uu xilka hayay laguna xusuusnaan doono wakhti dheer ka dib marka uu xilka ka dego.

Sidaa daraadeed waxan leeyahay fardo la isu hayo maxaa la isugu faanin. Waxa ugu muhiimsan aniga xagayga in doorasho xor iyo xalaal ihi qabsoonto kii ay dadka Somaliland doortaan ee Ilaahay u qorayna lagu hambalyeeyo

Wallaahu Calaa Maa Aquulu Wakiil

Wa Bilaahi Tawfiiq

Caligurey

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.