WorldRemitAds

Awaamiir Ku Waajahan Dad Geerashyo Ka Dhigtay Jid Dhexmara Hargeysa

Hargeysa, Somaliland, December 22, 2016 (Saxafi) – Maayarka Caasimadda Somaliland ee Hargeysa Mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelko ayaa shalay xadhiga ka jaray waddo saddex killimitir ah oo isku xidhaysa wadadda Boqol iyo kontonka iyo wadadda labada boqol ee magaaladda ku wareegaysa, isla markaana ku sii xidhmaysa wadadda cad ee waqooyiga Hargeysa.

Wadaddan waxa qaybta ugu badan ka qaybqaatay dadweynaha xaafadda degan, isla markaana soo jeediyey in loo bixiyo wadadda Saleebaan Aamin oo qofkii ugu horeeyey ee xaafadda degan, isla markaana lacagtii ugu horeysay ee wadadda ka qaybqaatay.

SomlegalAds

Guddida xaafadan ayaa u mahad naqay dawladda hoose iyo dadweynaha xaafadda kaalintii ay ka qaateen hirgalinta wadadda, iyagoo dawladda hoose  uga mahad naqay gaadiidkii iyo caawintii kale ka geysteen wadaddan.

Munaasibadda xadhiga laga jarayey wadaddan oo ka dhacday xaafaddan ayaa abaalmarino lagu siiyey dadkii sida hagar la’aanta uga qaybqaatay oo ay ku jireen Injineeradda dawladda hoose, madaxdeedda iyo guddida xaafadda iyo cid kasta oo qayb weyn ka qaadatay hirgalinta wadaddan.

Ugu horeyn guddoomiyaha xaafadan oo ka hadlaya dhamaystirak wadadan waxa uu yidhi “Wadadan dhererkeedu waa laba kilo mitir marka balaceedda lagu daro waxay noqonaysaa saddex killo mitir, waxa gallay saddex boqol iyo shan iyo sodon foosto oo daamur ah, marka hore waxaan u mahad naqayaa dadka xaafadda degan ee ka qaybqaatay lacagta lagu dhisayo wadadan ee xaafadan ku nool iyo kuwo Yurub ku nool, waxa gallay toddoba iyo sideetan kun oo doolar, marka laga reebo cagaf cagafyadda iyo qalabka ay bixisay dawladda hoose, waxaana aad ugu mahad celinaynaa dawladda hoose oo iyaduna qayb ka qaatay, waxaana si gaar ah noolo shaqaynayey mudaddii hawshaasi socotay xildhibaan Cabdi Calli oo si hagar la’aan ah noola shaqeeyey”

jid-xadhiga-laga-jarayWaxa isaguna ka hadlay Sheekh Maxamed Aadan oo ka mid ah culimadda xaafadda degan, isla markaana ka qaybqaatay hirgalinta wadaddan, waxaanay guddida xaafaddu soo jeediyeen in loo bixiyo wadaddan Suleemaan Aamin Road, waxaanay sheegeen inuu ahaa ninkii ugu horeeyey ee xaafada soo degay, isla markaana ahaa ninkii ugu horeeyey ee lacagta wadadan hor bixiyey.

Maayarka Caasinadda Hargeysa, Md:Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelko ayaa sheegay in guddida xaafadan iyo dadka xaafadan degan tusaale u yihiin sida wax loo qabsado, waxaanu sheegay in bilihii u dambeeyey ee sanadka oo lagu jiro ay iyagu isku tashadeen,isla markaana kaalintooddii iyo dheeraaadna ku darsadeen.

jh-24Maayarka Caasimadda oo ka hadlaya wadadda waxa uu yidhi “wadadan waa laba kilo mitir, marka wadooyinka caalamiga ah la eegayo waxa laga dhigaa balaca  toddoba mitir, laakin inagu waxaynu ka dhignay toban mitir balaca, marka waxay isku noqonaysa wadadani intaynu dhisnay sadex kiiloomitir, waxaan odayaasha iyo culimadda xaafadda uga mahad naqayaa sidii wanaagsanayd ee ay uga  qaybqaataan dhismaha Wadadda, ee qaybtii ay lahaayeen qayb ka badan u qaateen, marka laga yimaado Ciidda iyo qalabkii oo dawladda hoose bixisay, haddii ay noqoto Daamurka, haday noqoto jayga waxa bixiyey dadka xaafadan, aad baan uga mahad naqaynaa, waxaana weeyi iyadoo aanu u jirno xaaladda bilahan oo kale November iyo December oo sanadkii dhamaad yahay inay ku dhiiradaan inay woxoogii qabsadaan”

Maayarka Caasimadda Hargeysa oo ka hadlaya magaca gudda xaafadani soo jeediyeen in loo bixiyo waxa uu sheegay in magaca ay ansixiyaan golaha deegaanka, isla markaana ay golaha hor keeni doonaan magaca si loo ansixiyo, waxaanu yidhi “Magaca wadaddan loo bixiyey waxaad soo jeediseen Saleebaan Aamin in loo bixiyo, laakiin magaca waxa bixiya golaha deegaanka Ansixiya, insha alla soo jeedintiina waanu geyn doonaa golaha deegaanka si ay u ansixiyaan, maanta xafladani farxad labaad bay ii tahoo halkan macalimiintaydii ayaa fadhidda, macalinkaygii dugsiga dhexe wuu fadhiyaa Naasir Maaro doona waa macalinkaygii, macalinkaygii diinta iyo quraankana waa Sheekh Maxamed Aadan maanta inay halkan fadhiyaan farxad weyn bay ii tahay.”

jh-7Maayarka oo ka hadlaya sida askariga jiifa ee wadooyinka la dhigaa u burburiyaan wadooyinka la dhisay waxa uu yidhi “Marka laga hadlayo askariga wadadda la dhigayo askariga jiifaa wadooyinka wuu baabiyaa oo biyuhu u qabtaa,laakiin waxaanu samayn doonaa inaynu raadino kuwii caaga aha oo biyuhu dhaafi karaan laakiin askarigan jiifa ee la dhigaa waxay jaraan wadooyinka oo la sameeyo, dadka la jaarka waxaan leeyahay biyaha lagu daadiyo iyo wax kale lama ogola, taliyihii Daloodha wuu inala joogaa waana u sheegnay qof kasta oo kolay dhiga waa lagu xidhi doonaa cid ka daba iman doona ma dhici karto”.

Sidoo kale, waxa uu Maayarku fariin u diray dadka wadadda boqol iyo kontonka geerashka ka dhigtay oo uu sheegay in wixii loogu yimaadda sharci daro loo arki doonno, waxaanu yidhi “Wadadda Boqol iyo kontonka waxa laga dhigay geerash badan shay kasta oo loogu yimaadda waxa uu ku yaalaa sifo sharci daro ah bari toole ha ogaado shay kasta oo wadadda yaala waa la qaadi doonnaa waxana geyn doonaa meel aanu ugu tallogalay waa inay alaabtoodda ka sii urursadaan, ma ogolaan doonin in dad ka dhigtaan geerash iyo alaabooyin kale in la dhigto wax la qaadan karana maaha”

Xildhibaan Cabdi Cali ayaa isna dadka xaafadan usoo jeediyey inay ilaashadan wadada, isla markaana biyaha iyo garaabadda ka ilaaliyaan haddii  kale ay burburi doonta haddii la ilaashan waayo.

Intaas ka dib waxa abaal marino la gudoonsiiyey dadkii ka qaybqaatay wadaddan ee kaalinta muuqda ka geystay hirgalinta iyo dhamaystirka wadaddan.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.