WorldRemitAds

Madaarka Changi ee dalka Singapore ayaa sanadkii lixaad noqday ka ugu wanaagsan dunida, waxaanu markii lixaad madaarkaasi ku guulaystay abaal marinta Madaarka ugu nidaamka iyo adeega wanaagsan dunida ee ay bixiso wakaalada nidaamka madaarada u qaabilsan aduunka ee Skytrax Survey.

Xafladii abaal marinta tobanka madaar ee ugu wanaagsan dunida oo lagu qabtay xarunta wakaalada SKYTRAX SURVEY, oo ku taala caasimadda dalka Sweden ee Stockholm ayaa lagu shaaciyay in Maadarka kowaad ee ugu adeega wanaagsan dunidu yahay Changi Airport ee Dalka Singapore.

SomlegalAds

Ka dibna waxa ku xigay sagaalka Madaar ee ku xiga oo kala ah, kaalinta labaad, Madaarka Incheon ee caasimadda dalka Kuuriyada Koonfureed, Kaalinta Saddexaad Madaarka Haneda ee caasimadda Jabaan ee Tokyo, Kaalinta afraad Madaarka Hong Kong, Kaalinta Shanaad waxa galay madaarka Hamad Airport ee caasimadda Qatar Doha, kaas oo sidoo kale noqday ka ugu wanaagsan dunida carabta.

Kaalinta lixaad waxa galay madaarka Munich, halka madaarka todobaad uu ka noqday, Centrair Nagoya, madaarka Heathrow ee caasimadda Ingiriiska London ayaa kaalinta sideedaad galay, waxaana liiska tobanka madaar ee ugu wanaagsan dunida ugu danbeeya, Zurich iyo Madaarka Frankfurt ee dalka Jarmalka oo isagu qarnigii hore ahaa ka ugu wayn dunida.

Sida lagu sheegay xafladii abaal marinta ee tobanka Madaar ee ugu adeega iyo nidaamka wanaagsan dunida, waxa madaaradan tobanka ah lagu soo xulay ka dib markii ay buuxiyeen shuruudaha wakaalada adeega madaarada u qaabilsan dunida.

Waxaana ka mid ah ilaalinta wakhtiga, adeeg hufan oo la siiyo dadka rakaabka ah ee madaarada ku safraya, xafidaada alaabtooda iyo jawi raaxo leh oo wakhtiyada ay diyaaradaha sugayaan ay ka helaan gudaha madaarka.

Maareeyaha madaarka Changi ee dalka Singapore Mr. Lee Seon Hiang oo ka hadlay xafladaas ayaa ka mahad naqay, abaal marinta madaarkooda la siiyay iyo garashada loogu gartay sanadkii lixaad inay noqdaan ka ugu wanaagsan dunida.

Waxa kale oo uu maamulaha madaarka Singapore sheegay in madaarkoodu leeyahay hawl wadeeno iyo la taliyayaal konton kun oo qof tiradoodu tahay, kuwaas oo ka hawl gali doona in sanadka soo socdana uu madaarkoodu ku guulaysto kaalinta koowaad ee madaarada ugu wanaagsan dunida.

Abaal marinta wakaalada SKYTRAX SURVEY ee madaarada ugu wanaagsan dunida ayaa laga diyaariyay, su’aalo la waydiiyay dad tiradooda lagu qiyaasay 13.73 million oo qof, kuwaas oo ku safray ilaa shan boqol oo Madaar oo ilaa boqol waddan oo dunida ah ku kala yaala, kuwaas oo adeegyada madaarada iyo guud ahaan nidaamkooda shaqo laga waraystay, natiijadii ka soo baxdayna ay noqotay in lagu xusho tobanka madaar ee abaal marinta la siiyay.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.