WorldRemitAds

Mid ka mid ah dhacdooyinka layaabka badan ee dunida, ayaa laga soo wariyay maal qabeenka muslimka ah ee Imran Khan, kaas oo ka mid ah siyaasiyiinta dalka Pakistan, kaas oo bilyaneer hanti badan leh ah, caana ka ah dunida inteeda badan.

Sida ay ku warameen warbaahinta dunida intooda badani, Imran Khan oo caan ku ah, siyaasada iyo maal qabeenimada, ayaa si kadis ah u furay, xaaskiisi, waxaanu furiinka ninkani ku dalaaqay xaaskiisu ka dhalatay khilaaf isaga iyo xaaskiisa ku dhex maray Ey, haweenayda u dhaxday ka eriday guriga.

Reham Khan posted this image of Imran reading the papers Image from Reham Khan instagram page Credit Reham Khan / Instagram
Reham Khan posted this image of Imran reading the papers
Image from Reham Khan instagram page
Credit Reham Khan / Instagram

Xaaska u dhaxday Imran Khan oo ka mid ah shaqaalaha BBC-da, caana ku ah barnaamijka saadaasha hawada oo ay iyadu inta badan wararka ku saabsan cimilada ka baahiso BBC-da, ayaa ninkeedu fariin qoraal ah oo uu kula socodsiinayo inuu dalaaqay uu ugu soo diray telefoonkeeda gacanta.

SomlegalAds

Imran Khan ayaa xaaskiisan uu furay ee wariyaha ka ah BBC-da oo lagu magacaabo, Reham ay is qabeen muddo shan iyo toban sanadood, sideed bilood iyo dhawr cisho, waxaana sida warbaahintu sheegtay muddada ay is qabeen u dhexeeyay khilaafyo kala duwan, hasa yeeshee xiliyadii u danbeeyay ayay xaaladu meel xun gaadhay.

Sida ay ku warantay jariirada Daily Mail, khilaaf huursan oo qoyskan hadheeyay ayaa sababay in ugu danbayntii, ay si deg deg ah u kala tagaan, ka dib markii maal qabeenka siyaasiga ah ee Imran Khan, uu qoraal fariin ah oo uu xaaskiisa u soo diray uu kula socodsiiyay inuu dalaaqay.

Reham ayaa la sheegay in iyadu ay neceb tahay, tarbiyadaynta Eyda oo ay aad u dhibsan jirtay, waxaanay Ey ninkaasi rabaystay ay ka saartay qasriga ay degan yihiin, waxaanay u rartay qayb ka mid ah, qolalka shaqaalaha ee dibada, talaabadaas oo si wayn uu uga cadhooday ninkeedi Imran Khan ka dibna uu deg deg ugu dalaaqay.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.