WorldRemitAds
Hargeysa, Somaliland, February 25, 2016 (Saxafi) – Maayarka Caasimadda Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelko, ayaa shalay dhagax dhigay wadadda jameecadda ee koonfurta magaaladda Hargeysa.

Munaasibad balaadhan oo lagu shaacinayey dhagax dhiga wadaddan jameecadda, ayaa waxa ka soo qaybgallay maayarka caasimadda, maayar ku xigeenka, xildhibaanadda golaha deegaanka iyo guddida xaafadda jameecadda.
Odayaasha xaafadda Jameecadda ayaa maayarka iyo dawladda hoose ee Hargeysa uga mahadnaqday dhagax dhigga wadadan oo ay sheegeen inay baahi weyn u qabeen, isla markaana dadweynaha xaafaduna qayb libaaxle ka qaadan doonaan.
“haddii aanu nahay madaxdii dawlada hoose anagoo isku duuban shan iyo labaatanka xildhibaan ba waxaanu u dhaaranay in Hargeysa aanu wax u qabano, dad waxa jira meelahaasi ka had hadla kuwaasi waa dilaaliin oo waxba ka odhan mayno laakiin wixii aanu Hargeysa u qabanay iyo wixii aynu xaafaddan aynu joogno waddo ka dhisnay dadka sheegi anagu waxba sheegi mayno” ayuu yidhi Maayar ku xigeenka caasimadda Hargeysa Cabdicasiis Maxamed Xaashi Cago weyne.
Maayarka caasimadda Hargeysa, Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelko ayaa sheegay inay jiraan dad dacaayaddoka fidiya dawladda hoose balse waxay magaaladda u qabteen ay dadweynuhu markhaati ka yihiin.
“Waxa jira dad meelahaasi ka hadla oo dacaayaddo ka fidiya, kuwaas uma jawaabno, laakiin waxaanu diyaar u nahay dood aanu dadweynaha la galno wixii aanu saddexdii sanno ee aanu caasimadda maamulaynay u qabanay”ayuu yidhi maayar Soltelko.
Intaas ka dibna waxa uu dhagax dhigay wadadda Jameecadda oo ah xaafadda qadiimi ah oo ah meeshii ka bilaabantay dawladda hoose.
Dhinaca kale, Maayarka Caasimadda oo ay ku wehelinayaan maayar ku xigeenka iyo xildhibaanadda golaha deegaanku waxay shirjaraa’idku qabteen wadadda Totol ee magaaladda Hargeysa, waxanay sheegeen in ololaha dambe ee waddo banayntu ka bilaabmi doonto xaafadda Tootal, waxaanay ugu baaqeen inay dadweynaha wadooyinka hareerahoodda degan ka guuraan.
“waxa jirta olole balaadhan oo jidad banayn ah oo aanu ku jirno, waxay doorkan ka bilaabmaysa jidka Totol waxaana leeyahay dadweynaha jiingadaha iyo guryaha hortoodda ka samaystay meheradaha waxaan leeyahay ka guura inta aanay hawlgalka dawladda hoose idin iman, waxana doonayna inay caasimaddu noqoto mid bilicle, wadaddan waa meeshaa aanu doonayno inaanu waddooyin casri ah ka bilaabmo, isla markaana qalabka cusub ku bilaabi doonno, sidaa darteed, dadweynahan wadooyinka dhex degan waxaan leeyahay ka sii guura inta aanu ololuhu bilaabmin”ayuu yidhi Maayarka oo ka hadlaya waddo baneynta ay ku hawlan yihiin.
Dhinaca kale, Maayarka oo uu hogaaminayo shaqaalaha iyo masuuliyiinta dawladda hoose ee Hargeysa ayaa olole nadaafadeed maanta ku sameeyey xaafadda jig jiga yar ee degmadda Koodbuur, waxaanu maayarku nidaamiyey meheradihii wadooyinka ku ag yaallay, isagoo xad u sameeyey aanay soo dhaafi Karin, isla markaana dhulkii kala dhaaraana iskugu toosiyey.
Dadkii meheradaha ku lahaa ayaa soo dhoweeyey qorshahan uu Maayarka Hargeysa u sameeyey meheradan markii hore laamidda ku ag yaalay, iyagoo dib loo raray meelo si ku meel gaadh ah loo qorsheeyey.
“maayarka waxaanu ugu mahad naqayna qorshaha wanaagsan ee uu naga yeellay, waxaana noo sameeyey xad anaan soo dhaafi Karin, isla markaana ku shaqaysan karo, waxa kale oo xusid mudan in goobihii ay dib ugu guureynay ee kala dheeraana isku kaayo simay”ayuu yidhi Axmed Siciid oo ka mid ah dad meheradaha ku leh goobahan dib loo raray.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.