WorldRemitAds
Istanbul, Turkey, February 25, 2016 (Saxafi) — Waxaa lagu soo Gunaanaday Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga shir lagaga hadlayay arrimaha Somalia oo socday laba casho, kaasoo laga soo saaray war-murtiyeed ka kooban 31-qodob.

Qodobbada ku xusnaa War-murtiyeedka Shirkan laga soo saaray Waxaa ka mid ahaa; In shirkaan ay ka Qayb-galeen Wufuud ka kala socday 54 waddan iyo 11 hay’adood oo Dalal Caalamka ah ka kala socday.
Sidoo kale, Waxay ka Qayb-galayaasha Shirka soo dhaweeyeen waxaa loogu yeedho Barnaamijka Hiigsiga Cusub ee Somalia [New Deal], iyadoo dhanka kalena Amaanay sida ay Dawladda Somalia wax u Maamushay, Gaar ahaan Nabadda iyo Dib-u-dhiska dalkaas, iyagoo xusay inay jireen caqabado kala duwan oo hor-taagnaa howlahan fulintooda.
Waxaa kaloo, War-murtiyeedka lagu xusay in muddo xileedkii Baarlamaanka Soomaaliya uu ku eg-yahay sannadkan, loona baahan yahay Hay’adaha Dastuuriga ah ee Dawladda Federaalka Somalia inay si wadajir ah uga shaqeeyaan sidii dalka ay doorasho uga dhici lahayd 2016.
Ka-qayb-galayaasha ayaa waxa kale oo ay xuseen inaanay sanadkan ka dhici karin Soomaaliya Doorasho Qof iyo Cod ah, iyagoo xusay inay Taageerayaan Go’aankii ka soo baxay shirkii lagu qabtay Muqdisho sannadkan 2016-ka ee ku aaddanaa Hanaanka Doorasho ee Somalia ka dhacaysa, kaasoo ahaa in si isku dhaf ah ay ku dhacdo doorashada.
Waxay kale oo Xubnahani Sheegeen inay Dareemeen Maqnshaaha ay ka Maqnayd Shirkaaas Puntland, iyagoo Dowladda Soomaaliya iyo maamul-goboleedyada ka jira dalkaas u jeediyay inay muujiyaan sidii ay Puntland qayb uga noqon lahayd arimahan, si doorashada sanadkan ka dhacaysa Somalia ay cid waliba uga qayb-qaadato.
Xubnihii ka qayb-galay Shirkan lagu Qabtay Istanbuul ayaa Sheegay in ku Talinayaan in Sannadka 2020-ka ay Somalia ka dhacdo doorasho uu Qof wal oo Soomaali ah codkiisa ka dhiiban karo.
Ugu dambeyn, War-murtiyeedkan oo dheeraa ayaa waxay Xubnaha shirkan ka Qayb-galay waxay u mahad-celiyeen dallaka ay ka socdaan ciidamada AMISOM ee Somalia ku sugan, kuwaasoo kala ah; Uganda, Burundi, Jabuuti, Itoobiya iyo Kenya.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.