WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, August 7, 2016 (Saxafi) – Maayarka caasimadda Somaliland ee Hargeysa, Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Sotleko, ayaa xadhiga ka jaray Wejigii labaad ee Wadadda Digaale, taas oo isku xidhi doonta xaafadda Maxamed Mooge, xaafadda barakacayaaasha digaale iyo madaarka Hargeysa.

Jidkan ayaa hore waxa u dhagax dhigay Dawladda Hoose ee Hargeysa taas oo ka kooban shan killo mitiri, iyadoo wejigii labaad oo hal killo mitir iyo badh ah ay shalay fureen.

Xubin ku hadlaysa magaca guddida wadaddan Digaale ayaa maayarka Caasimadda iyo dawladda hoose uga mahadnaqay qaybqaadashada ay ka qaybqaateen wadadan, isagoo qorshaha wadadan iyo dhamaystirkeeda wejigii labaad ka hadlaya waxa uu yidhi “waxaanu ku soo dhoweynaynaa maayarka iyo xildhibaanadda la socdaba wadadii ay dhagax dhigeen oo wejigii hore dhamaaday, in maanta wejigii labaad oo hal kiillo mitir iyo badh inoo dhamaaday, waxaad arkaysa sida dawladda hoose hiil iyo hoo ula garab taagan tahay dadka doonaya inay wax qabsadaan, iyadoo cid kasta oo diyaar u ah inay jidadka ka qaybqaataan inta ugu badan ay bixinayaan, wadadu cid walba way u baahan tahay, xaafadda Maxamed Moogana wadooyin kale oo badana waad ka qaybqaatay oo waad dhistay,haddii aanu nahay guddida wadadda Digaale waanu kaaga mahad celinaynaa sida noo dhiirigaliso ee aad noola shaqayso”.

SomlegalAds

IMG_20160806_104936Maayarka Caasimadda Hargeysa, Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelko, ayaa dadweynaha ugu baaqay inay ka qaybqaataan jidkan Digaale oo uu sheegay inay marto goobo muhiim ah sida Madaarka Hargeysa iyo xaafadaha Maxamed Mooge iyo Digaalle.

Maayarka caasimadda oo furitaanka jidkan wejigii labaad ka hadlaya waxa uu yidhi “Waxaan leeyahay dadweynaha waa inaad ka qaybqaadataan wadadan oo xaafad kaliyi uma danaynaysee waxay maraysa ilaa madaarka Hargeysa, madaarka imika labadda wadda ayuun baa tagta, Wadadda siinay way dhamaystiran tahay oo ilaa madaarka ayey ku xidhan tahay, Wadada tooska ah ee madaarka ee jiri jirtayna way gashaa, wadadda saddexaad ee gali doonta waa tan Maxamed Mooge dhex maraysa ee aynu hadda taaganahay ee aynu wadno dhismaheeddii, waxaana halkaasi toos ugaga dhacaysa Dooxii, waxaanay tegaysaa  xaafadda Digaale ee barakacayaasha, waxaanay maraysaa Madaarka Hargeysa, wadadani sidaas ayey faa’iido badan u leedahay oo aanay xaafad keliya uga faa’iidaysanayn, markaa waxaan leeyahay dadweynaha wadadan xaafadi ma leh, cid gooniyana ma leh, reer gaar ahina ma leh ee caasimadda ayey isku xidhaysaa ee ha laga wadda qaybqaato oo qaadhaanka lagu dhisayo reer Somaliland oo dhami ha ka wada qaybqaataan”.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.