WorldRemitAds

Berbera, Somaliland, November 20, 2015 (Saxafi) – Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa shalay socdaal shakhsi ah ku tagay magaallo xeebeeda Berbera.

Sida lagu sheegay Warsaxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyadda, Weftiga Madaxweynaha waxaa ku soo dhaweeyay magaaladda Berbera masuuliyiin kala duwan iyo qaar ka mid ah dadweynaha ku dhaqan Magaaladaasi.

Warku waxaa uu sheegay in wallow socdaalka Madaxweynuhu yahay mid shakhsi ah haddana aanay ka madhnaan doonin inuu u kuurgallo xaaladda nolosha bulshadda gobolkaas ku nool.

SomlegalAds

Sidaas oo ay tahay xisbiyadda mucaaradka ah gaar ahaan wakiilka Xisbiga UCID ee gobolka Saaxil Rooda Axmed Yaasiin ayaa socdaalkan shaki gelisay waxaana ay ku sifeysay mid la xidhiidha heshiis la doonayo in shirkad carbeed loogu gacan geliyo maamulka Dekeda Berbera.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.