WorldRemitAds
Hargeysa, Somaliland, February 9, 2016 (Saxafi) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siillaanyo ayaa la filayaa in dhowaan uu socdaal ugu baxo dalka isutaga imaaraadka Carabta ee UAE, islamarkaana kulamo la yeesho madaxda dalkaas.

Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karro ayaa wargeyska Saxafi u sheegay in ujeedada safarka madaxweynuhu ku saabsan yahay mashruuca madaarka iyo dekedda Berbera oo hore wadda hadaladeedu u socdeen, isla markaana shirkaddo ka soo jeedda dalka Isu taga imaaraadka Carabtu quudaraynayaan inay maal-gashadaan. Xogaha aanu helay waxaa ay intaas ku darayaan in Madaxweyne Siilaanyo sidoo kalle soo furri doono Xafiis cusub oo Somaliland leedahay oo la doonayo in laga furro magaaladda Dubai ee UAE. Islamarkaana uu ka hawl-galayo safiirka Somaliland ee dalkaas Baashe Cawil.
In kasta oo xogahan la helay, haddana ma jiraan warar rasmi ah oo ka soo baxay madaxtooyadda oo cadeeyay goorta socdaalkan madaxweynuhu yahay iyo faah-faahin intaas dhaafsan midna.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.