WorldRemitAds
Boorama, Somaliland, February 09, 2016 (Saxafi) – Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Somaliland Mujaahid Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax oo haatann booqasho ku jooga magaalada Boorama ayaa shalay kulammo albaabadu u xidhnaayeen la qaatay qaybo ka mid ah dadweynaha Boorama.

Maalmihii aynu soo dhaafnay waxaa lagu baahiyay shabakadaha Intarnetka gaar ahaan baraha bulshada in socdalkani la xidhiidho olole siyaasadeed, balse warkan ayaa sheegaya in kullamadani meesha ka saareen shakigaasi.
Muj. Cabdiraxmaan Aw Cali ayaa shirarkan oo uu la yeeshay qaar ka mid ah salaadiinta, cuqaasha iyo ganacsatada, sida wararku sheegeen waxaa inta badan lagu gorfeynayay sidii beelaha deegaanka Boorama uga qayb qaadan lahaayeen diiwaaan gelinta dhawaanta ka bilaabmaysa gobolka Awdal, iyadoo dhinaca kalle sida wararku sheegayaan uu kulammo kan ka duwan la qaatay siyaasiyiin ka soo jeedda gobolkaas oo ku kala jira xisbiyada Siyaasadda.
In kastoo aanay jirin wax warar ah oo ka soo baxay Madaxweyne ku xigeenkii hore oo ku saabsan waxa ka jira warar lagu baahiyey shabakadaha dalka qaarkood oo lagu sheegay in Cabdiraxmaan Aw Cali uu Boorama u tegay sidii uu u xoojin lahaa ama uu taageero ugu raadin lahaa musharraxiinta xisbiga Kulmiye ee mansabyada Madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka Muuse Biixi iyo Cabdiraxmaan Saylici ayaa dhinaca kale, jawiga wadahadaladaasi ku socdaan marka la eego waxaa ay u muuqdaan kuwo ka fog arrintaasi, mana jiraan wax la taaban karro oo muujinaya inay kullamadani hiil u yihiin Xisbul-xaakimka, kana hiilinayaan Xisbiyadda mucaaradka ah ee Somaliland, waxaana xogaha aanu illaa hadda ka helay Wariyaha Saxafi ee Gobolkaas Maxamed Cumar Sheekh sheegayaan in ujeedada ugu weyn ee uu Boorama u tagay ay tahay sidii uu iskugu soo dhaweyn lahaa beelaha uu ka soo jeeddo dhalasho ahaan ee deegaankaas oo ku kala qaybsamay dhinaca siyaasadda. Gaar ahaana, waxaa la wariyay in lagu kala fogaaday Jabhadii Suldaan Wabar horkacayay, sidoo kalena aanay dadku isku aragti ka ahayn Axsaabta. Khilaafkaasi oo sababay in beelahaasi ka baxaan loolanka siyaasadeed ee dalka ama gobolka Awdal. Iyaddoo ay intii ka horeysay xukuumadda Kulmiye iyagu gacanta ku hayeen.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.