“Madaxweyne Bartay Dhaqaalaha Waxa Ku Kelifey Sida Loo Xaliyo In Uu U Diro Dad Aan Ehel U Ahayn Waa Isyeel-yeel Iyo Arxan-darro”

0
41
PropellerAds
Hargeysa, Somaliland, December 13, 2015 (Saxafi) – “Madaxweyne Bartay Dhaqaalaha Waxa Ku Kelifey Sida Loo Xaliyo In Uu U Diro Dad Aan Ehel U Ahayn Waa Isyeel-yeel”. Sidaa waxa yidhi Guddoomiye ku xigeenkii hore ee guddiga doorashooyinka Qaranka Somaliland Cali Xassan Cismaan (Cali Kubad) oo naqdiyay guddi madaxweyne Siilaanyo u saaray sicir bararka.

Cali Kubad qoraal dheer oo uu soo saaray waxaa uu ku sheegay talaabada Madaxweyne Siilaanyo qaaday is yeel-yeel.
Qoraalkaas waxaa uu ku yidhi sidan: “Caytan iyo aflagaado igama aha,ee waxaan la yaaban ahay madaxweyne soo bartay farsamada dhaqaalaha( economist) waxa ku kelifey xirfad uu garanayo sida loo xaliyo, inuu dad aan ehel u ahayn uu u diro, inay soo baadhaan maadadiisii(subject-matter), xalna ay u helayaan sicir bararkan dalka ragaadiyey.
Arrimaha DhaqaalahaSicir barar (inflation) waa la yaqaanaa sabobaha keena, mana ah wax guddi loo saaro. Laba laba u gee waa afar, sabab aynu guddi ugu saarnaa dee waa isyeel yeel, arxan-darro, marmarsiinyo, iyo eed ka cararnimo qaawan. Amaba waa “cannaan ka yaab reer ma doojo” oo kale oo sawaaban. Maadada keliya ee sicir/sixir bararka la xidhiidha ee aqoon tafasiran ka bixisaa waa dhaqaalaha (Economics). Bal hadaba si dulka xaadis ah aynu u taabano iyadoo erayada maadadaas (economic jargons) dhaqaalaha lagu isticmalaa ay dadka qaarkii aanay hore u fahmin.
Suuqa waxa la keenaa alaabooyin iyo adeegyo (goods and services), si dadka raba inay wax kala iibsadaan, iyagoo si quman u fekeraya (rational) oo xogogaal ah(informed) si ay uga qayb qaataan kala doorashada( choices) inta yar (scarcity) ee suuqa yaal markaas, si uu qof waliba uga mabsuudo(utility) waxuu door biday(preferences) oo markaas wax ugu haboon ee aanu isku ceelkaambiyin doonin( opportunity cost), ee dhaqaalihiisu u ogolaado( budget constraints) uu u iibsado.
Sidaas awgeed, doonitaan(demand) oo ah wax la rabo in la iibsado iyo keenitaan( supply) oo ah wax loo keenay in la iibasado, baa seylada/ suuqa( market) ku kulma, oo uu kulankooda ay ka dhalataa qiimihii( price) suuqa/seylada ugu haboon,marka laga eego muddo dheer ahaanta( in the long run) suuqu/saylada hab dhaqan keeda. Doonitaan(Demand) iyo keenitaan(supply) indhaha ku haya akhristayaalow si aad iila fahantaan sababaha keena Sicir bararka. Intan hor dhaca ah waxaan ugu talo galay, dadkaan maadada dhaqaalaha fikred hore uga haysani, si ay ula jaan-qaadaan waxaan ka hadlayo.
Hadaba maxaa sababa sicir/sixir bararka? Waxyaaba badan baa sicir bararka dhalin kara, laakiin waxaynu hoos u daadegeynaa labada ay isugu soo biyo shubtaan:
1) dib-u-soo-jiidashada doonitaanka(demand-pull inflation)
2) qiimo-hore-u-riixa( cost-push inflation)keenitaanka (supply). Labaduba Somaliland way ka jiraan, waxaana u sabab ah xukumada Kulmiye oo maaraynteedii tahli kari weydey. Tusaalooyinkan soo socda bal aynu si fiican u wada dhugano.
1) Dib-u-soo-jiidashada doonitaanka (demand-pull inflation) waxa u sabab ah markay lacagta suuqyada wax lagu kala iibsanayaa, ee wareegeysaa( circulation)ay ka badan tahay wax soo saarka guud ee dalku soo saaro.
Innagu xoolaha nool, oo aynu markay ugu badan tahay bisha Carafo la dhoofiyo mooyiyey, wax soo saar keena kale wuu yar yahay amaba ma jiro, sow innagaa caano maraaciga carabta ka keeneyna! Hadaba, dawladuhu Saddex siyaabood bay dakhligooda sare ugu qaadaan. Cashuur, Amaah iyo lacag daabicis (Seigniorage).
Maalintii uu Kulmiye talada qabtay waxa dhacday inay lacag judhiiba soo daabaceen. Dakhli faro badan baa dawladaha uga soo baxa daabicista lacagta, waayo tusaale ahaan kasoo qaad in halkii dollar ( Waa marka 7000 ee Somaliland shilling la mid yahay 1 USD) lagu daabaco Shan senti(.05), markaas dawladu shan iyo sagaashanka senti (.95 cents) ee kale, waa faa’iido usoo korodhay oo ay khasnada ku shubanayso. Markaas 7000 ee Somaliland shilling ah,ee lasoo sameeyeyba waxa laga yaabaa inay soo daabictaan-keedii ay ku baxday 350 Somaliland shilling ahi, 6650 Somaliland shilling ee kalena ay dawladu faa’iido u qaadato. Waa lacag hawada laga samaynayo, waaba Ilaahay waxaagii wax kuugu dar. Laakiin maaha Iska soo daabac lacagta, waxa uun la soo daabacaa markaa wax soo saarku kordho/kobco, ee la waayo lacag ku filan kala socod siinta waxa la kala iibsanayo. Innaguse waa Iska soo daabac aynu mushaharka shaqaalaha dawlada ku bixinee iyo wax la mid ah.
Maalin walba waxaad dalka ku arkaysaa lacag cusub oo jabacjabac daas haysa, oo aad isweydiineyso waar tolow ma maanta ayey wershada ka soo baxday. Dadka qaar baa ku odhanaya “madaxtooyada baa makiinadii (printer) sameyneysey ay taalaa”. Lacagtaas lasoo daabacayaa waa ta ay Somalilland kubka iyo bowdadaba ay kaga jabtay, ee sixir/sicir bararka u aabaha ah, sidaan anigu qabo.
Akhristayaalow bal kasoo qaada inay makiinadu (printer-ku) madaxtooyada taalo, waraaqaha lacagta lagu daabacona ay buux yihiin. Kasoo qaad inuu madaxweynuhu deeqsi yahay, oo yidhaahdo qofkasta oo Soomalilander ah waa inaynu u daabacnaa oo siinaa 10 Billion oo Somaliland shilling ah. Ma waxbaa inoo kordhi lahaa, mise wax weyn baa innaga dhici lahaa? Qofkiiba 10 Billion oo Somaliland shilling buu helay, saddexda milyan iyo badhka reer Somaliland oo dhan, kaba soo qaad. Waxaad kasoo qaadaa inay wadanka markaas ay yaaliin 10,000 oo telifeyshan oo iib ahi, oo uu midkiiba qiimihiisu yahay 2 malyuun oo Soomaliland shilling ah.
Dadka raba inay iibsadaan telifayshano cusubna ay yihiin 2 malyuun oo qof. Toban kun baa ugu hor tegey dukaamadii telifeyshanada iibinayey, intii qiimaha laga wada hadlayey, baa toban kun oo kale isa soo taageen dukaamadii, oo ay yidhaahdeen waar annagaa rabna oo bixnayna telifeyshan kiiba Afar million, ee kuwan naga soo horeeyey haka iibinina, hada waa Laban laab. Iyadoo dukaanleydii yaaban tahay, baa toban kun oo qof oo danbe timi, iyana kuye waxaanu midkiiba ku iibsaneynaa 8 milyuun ee annaga naga iibiya. Telifeyshankii 2 million ee Somaliland shilling ka ahaa markii hore, waxuu saacado gudahood marayaa 8 million. Markaas, akhristayaalow natiijada iyo sawirku halkuu ku danbeyn doonto waad qiyaasi kartaan. Dib-u-soo-jiidka doonitaanka (demand-pull) sidan oo kale markay sababtu tahay waxa la yidhaahdaa “lacag faro badan oo eryaneysa xoogaa yar oo alaabo ah” (too much money chasing too few goods). Mararka qaarkood waxay taasi gaadhaa waxa loo yaqaan sicir bararka dabarka goystey (hyper-inflation) oo markaas lacagta jawaanu iyo keeryoonayaal lagu qaado, si xabad roodhi ah loo soo iibsado. Ilaahayow naga najee marxaladaas!
2) Ta labaad ee qiimo-hore-u-riixa (cost-push inflation) iyana waxay ka dhalataa marka qiimaha shay/wax dhaqaalaha u muhiim ahi sida shidaalku uu sare u kaco. Ama ay waxii wax lagu soo saarayey sida wershadaha, ama shaqaalihii wax soo saarayey ay qaali garoobaan, sida mushar kordhis badan oo helaan shaqaaluhu oo kale.
Somaliland wershado iyo shaqaale wax soo saarku ku xidhan yahay oo qiimahoodu iyo mushaharkoodu wax soo saarkeena wax-yeelayaa karaa ma jiro, hase yeeshee shidaalka dalka la keeno ayaa isaguna waxyeelo weyn oo sicir barar dhalisa , oo baaxadeedu la’ egtahay, hadii aanayba ka weyneyn ta la lacagta la soo daabaco.
Shidaalku markuu qaali yahay waa Aafo, iyo hagardaamo dhaqaale xumi keenta. Laydhkii( electricity) baa ku shaqeeya, baabuurtii xamuulka,booyadihii biyaha dhaaminayey,tagaasidii, qalabkii isgaadhsiinta sida internet, iyo waxyaabo badan oo halbawle u ah dhaqaalaha baa ku xidhan. Shidaalka aduunku wuu kacaa, marna hoos buu u dhacaa. Mar bay foostadu (barrel) ay gaadhaa 150 US dollar, marna waxay gaadhaa 48 US dollar. Somaliland Waxaan anigu joogey ilaa iyo 2008, litre paatroolka ahi Waa 1 dollar kamana dhaco, marmar baaba lacag yar oo Landa ah lagu sii daraa/kordhiyaa. Waar ma Looxu-Maxfuudka ayaa reer Soomaliland loogu qoray inay qiimahaas weligood bixiyaan?
Unit-ka laydhku Waa 1 dollar. Markaas marka maceeshadii kale ay sare u kacdo, dee qof weliba qiimihii waxuu iibinayey, buu ku sii darayaa qiime siyaado ah, si uu isu bixiyo waxii uu ka baayac mushtareynayey. Tiijaarta keenta shidaalku waxa aad moodaa inay sharciga ka sareeyaan. Una malayn maayo inay cashuur dhab ay bixiyaan. Waa dhiig miirato aan Ilaahay aqoon oo dawlado jilicsan iyo maato looma ooyaan ah cidla ka helay.
Ugu danbeyntii, marka ay dawladu aanay cashuurtii dhabta ahayd aanay tijaarta ka qaadin, karashka dawladuna badan yahay waxa la yidhaahdaa dhaqaalaha calaqadaha iyo faaliyayaasha (voodoo economy). Taasina, way ka jirtaa Soomaliland. Dee sidan ictiraaf ku heli meyno haddii aynaan dhaqaalaheenaba maamuli karin. Ilayn intaas waa la inoo kaabaa dhaqaalaha, oo waa kii Moxamed Cumar Carte yidhi ” Soomaliland waxooda waxaanu u marinaa wasaarada tacliinta ee Somaliland”. Tolow intee in le’eg baynu kaabis uga helnaa hayadaha caalamka?
Hadaba madaxweyne, bal ka waran haduu qof bukaan socod ahi u tago dhakhtar garanaya xanuunka qofkaasi qabo. Oo uu dhakhtarkaasi qofkii bukey u diro faliyayaal, calaqado durbaan iyo sitaat u tuma, fooxlayaal, iyo xidigiye-yaal,oo uu yidhaahdo iyagaa dawadaadii haya ee la tasho oo u tag iyaga? Soomaliland waxa dib u ridey oo noloshii dadka dhaawacay sicir/sixir barar iyo musuqmaasaq ooda iyo xadhkahaba goystay. Sicir bararka waxuu u baahan yahay siyaasad ku waajahan sicir bararka laftiisa. Wasiiro aqoonta dhaqaalaha leh way joogaan sida Sacad Cali Shire waxa looga dhigi waayey wasiirka maaliyada waa wax lala yaabo. Wasaarada maaliyadu waxay u baahnayd, qayb dhaatada (data, actuarial)uruurisa, qayb cashuurta ku takhaasustay( all types of taxes) oo farsamaya yaqanadoodii (technical know how) leh. Iyo Bangi dhexe ( central bank) oo madax bannaan, oo aan marba lagu amrin inuu lacag soo daabaco.
Isku soo wada xooriyoo, in lacag la Iska soo daabaco markii la jeclaystaba suuragal maaha, oo suuragal maaha inuu shidaalka wadanku qiimo geed ka go’an ah (bench mark) uun taagnaado, oo dhaqaalihii kale oo dhan uu markaas saameeyo.
Gabagabadii, madaxweyne hadaad intaas samayn kari weydo koley tijaarta cashuur ka qaadi meyside, bal dawladaadu ha isku daydo inay cuntada daruuriga ah( staple food)marka lasoo dejinayo cashuurtooda hoos loogu dhigo, si ay danyartu u noolaato ilayn iyaba waa dadkii aad masuulka ka ahayde. Arrinta shidaalka wadanka la keeno ….. maxaan kaaga daalayaa xaaladaada waan ogahay oo haamihii baa lagugu hor kireeyey, wax kale oo aan ka odhan karona iska dhaaf taas, Ilaahay haku asturo. Kuwa maamul kaaga iyo maamuus kaaga ku gabraaranaya baa eeda Iska leh, dhaqan keenuna ii saamix maayo inaan halkan ka magac dhebo, waxna ku idhaahdo.”

Leave a Reply (Wixii Talo ah noo soo gudbi)

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.