WorldRemitAds

Madaxweynaha dalka Maraykanka Barack Obama, Xaaskiisa Michelle Obama iyo labada gabdhood ee ay dhaleen Malia iyo Sasha, ayaa derbi jiifka caasimadda Maraykanka ee Washington DC, u sameeyay sooryo sharafeed ay ku maamuusayaan.

Madaxweyne Obama iyo Qoyskiisa ayaa sida la wariyay, sooryadoodan ay ku sharfeen dadka bilaa hoyga ah ee caasimadda dalkoodu ahayd, mid ku aadan munaasibad diimeedka, (Thanksgiving) ee dalkaas laga qabto, sanad kasta marka la gaadho, khamiista afraad ee bisha November, sooryo casho u sameeyay dadka aan hoyga lahayn ee caasimadda Maraykanka, ka dibna iyagu si mutadawacnimo ah ugu adeegay.

Madaxweyne Obama Iyo Qoyskiisa Oo Casuumay Derbi Jiifka WashingtonMunaasibadan oo ka dhacday, xarunta Friendship Place, waxa Madaxweynaha iyo qoyskiisu ay mid mid cuntadii Duco dhaqameedka ahayd, ugu gureen dadkii derbi jiifka ee ay ku marti qaadeen, xus dhaqameedka (Thanksgiving), ayaa ahaa mid boqolkii sanadood ee ugu danbeeyay si joogto ah, Maraykanka iyo waddamo badan oo dunida ah looga qabto, waxaana si gaar ah loogu quudiyaa, dadka danyarta ah.

SomlegalAds

Casuumad sharafeedkan Obama iyo qoyskiisu u sameeyeen derbi jiifka ayaa noqonaysa tii lixaad ee ay sameeyaan, waxaana suura gal ah, inay noqoto tii ugu danbaysay ee ay ku soo khatimaan muddo xileedka labaad ee Madaxweyne Obama oo sanadkeedi ugu danbaysay gashay.

Mid ka mid ah dibjiradii ama derbi jiifkii casuumadan Madaxweyne Obama iyo qosykiisu u sameeyeen, ka qayb galay, ayaa isaga oo ilmaynaya warbaahinta u sheegay inuu farxad iyo jacaylka Madaxweyne Obama iyo qoyskiisa la ilmaynayo, aadna uu uga helay, soo dhawaynta iyo adeega wanaagsan ee ay kala kulmeen.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.