WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, November 27, 2015 (Saxafi) – Musharaxa Madaxweyne ee xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen ayaa ka hadlay khilaafka xisbiga ka dhex jira, isla markaana ku eedeeyey gudoomiyaha xisbiga inuu sabab u yahay khilaafkaasi.

Jamaal ayaa sheegay in musharaxnimadiisa ay ansixiyeen golaha dhexe, isla markaana waraaqihii uu gudoomiyuhu arrintaasi ku saxeexay ay xafiisyadda khuseeya arriamaha xisbiyada yaalaan.

Hadalkan ayaa ka dambeeyey ka dib markii gudoomiyaha xisbiga UCID shaaciyey in lagu tartami doono musharaxnimadda, isla markaana cid walba u furantahay musharaxnimada taas oo keentay inuu markiiba Jamaal ka jawaabo.

SomlegalAds

“Sida gudoomiyuhu u yidhi waxa lagu samaynay xisbiga Qiimeyn, dib ayaana loogu tartamayaa taasi waa waali cas, xisbiga UCID tartan buu soo gallay kalfadhigii xisbiga gudoomiyaha ayaa saxeexay, waxaanu u kala diray oo waraaqahaasi yaallaan Komshanka doorashooyinka, xeer ilaalinta, guddida diiwaangelinta, waxaana saxeexay guddoomiyaha”ayuu yidhi Jamaal oo qoonsoday hadal uu siiyey gudoomiyaha xisbigu warbaahinta.

UCID waxa qoorta iskaga duubayWaxaanu Jamaal intaas ku daray “Kalfadhiga xiligaasi la qabtay qodobada ugu weyn ee lagu ansixiyey waxaa ka mid ahaa heshiishka labadda garab, waxa kale oo lagu ansixiyey musharaxiinta madaxtooyada uga qaybgali doonta xisbiga, marka shirweynihii golaha dhexe ee qodobadaasi ansixiyey inuu warbaahinta ka yidhaahdo waxba kama jiraan waa mid deel qaaf ah, shuruucdii xisbiga ayuu jabiyey, xisbigu sharci buu leeyahay, wuxuu u qaybsamay xisbigu hogaankii xisbiga iyo musharaxiinta, gudoomiyaha xisbiga ayaa laga doonayaa inuu xisbiga dhiso, maaha musharaxiinta, musharaxiintu xilli ayey leeyihiin ay doorashada ka qaybgalaan, mar walba waa lagama maarmaan in la wada shaqeeyo, laakiin xisbiga UCID waxa qoorta iskaga duubay gudoomiyaha, mar walba wuxu warbaahinta la soo istaagaa hadalo is burburinaya oo khalkhal ku abuuraya taageerayaasha, taasina waa ta keentay inuu musharaxii madaxweyne ku xigeenka isku casilo oo uu u dul qaadan waayo, anigu waxaan leeyahay anigu cidna uga tagi maayo, waxaan noqon doona ka ugu dambeeyey ee jooga”.

Mar uu ka hadlayey dhaqaalaha iyo awoodda uu ku soo dhisay xisbiga markii uu soo gallay waxa uu yidhi“Ucid eber baan ka soo bilawnay oo masuuliyiintiisii waxay ku biireen WADANI, Faysal hadii uu qadarin waayo heshiishkaasi anaga madaxtooyada la nooga yeedhi maayno go’aanka xisbiga, musharaxa madaxweyne ku xigeenkii is casilayna waxa uu ka hadlayna waa runtii, kuma waafaqsani inuu xisbiga ka cararo waxay ahayd inuu nala joogo, waxaanan ka jeclaa inuu dalkan wixii aanu doonaynay inaan ka bedelo ku raadjoogno oo aanu tareenka ka degin illaa hadda wax waraaq ah oo uu noo soo gudbiyeyna ma jirto”.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.