WorldRemitAds

Iyada oo la ogyahay khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Moscow iyo London iyo saamaynta uu saaxafada siyaasadeed ku soo yeeshay bilihii la soo dhaafay, waxay saxaafada dalka Ingiriisku si aad u xun oo waliba buun buunin ah wax uga qoreen in Maxamed Salaax uu la kulmay hogaamiyaha muslimka ah ee jamhuuriyada Chechnya ee Ramzan Kadyrov, waxayna soo bandhigeen in Maxamed Salaax uu dhibaato ama muran badan dhexda u galay.

Jamhuuriyada Chechnya oo dhibaato badan soo martay waxaa hadda hogaamiye ka ah Ramzan Kadyrov kaas oo ka mid ahaa xubnihii dhaq dhaqaaqii gobanimo doonka Chechnya waxaana dhalay madax waynihii hore ee jamhuuriyada Chechnya ee  Akhmad Kadyrov kaas oo shirqool lagu dilay May 2014.

SomlegalAds

Hogaamiyaha Chechnya ee Ramzan Kadyrov ayay wadamada reer galbeedka iyo guud ahaan gaaladu si xoogan u dacaayadeeyaan iyaga oo ku dura in uu islaamnimo xag jir ah wax ku xukumo isla markaana uu ciqaabo dadka isku jinsiga ah ee isku galmooda ama uu si xoogan ula dagaalamo khaniisiinta, laakiin saxaafada gaalada oo ay hogaaminayso saxaafada England ayaa kulanka Maxamed Salaax iyo  Ramzan Kadyrov buun buunisay.

Hay’adaha  xuquuqal insaanka ayaa si wayn uga qayliyay in hogaamiyaha Chechnya ee  Ramzan Kadyrov uu Maxamed Salaax la sameeyay socod garoonka dhexdiisa ah iyaga oo aaminsan in sumcadiisa siyaasadeed uu ku dhisayo waxayna soo bandhigeen nacaybka ay u hayaan  Ramzan Kadyrov.

Wargeyska The Guardian ee dalka England ka soo baxa ayaa qormo dheer oo uu ka diyaariyay Hogaamiyaha Chechnya ee Ramzan Kadyrov iyo koobka aduunka waxa uu ku sifeeyay in uu noqday ergayga gaarka ah ee madax waynaha Russia Vladimir Putin u qaabilsan barriga dhexe iyaga oo sababta faah faahin sii raaciyay.

Maadaama oo Jamhuuriyadda Chechnya tahay meel umad badan oo islaam ahi ku nooshahay waxay soo jiidatay xulalka qaramada Islaamka ah ee koobka aduunka ka qayb galaya waxaana ugu horayn booqday xulka qaranka Tunisia, waxaana ku xigay xulka qaranka Iran, kadib Saudi Arabia laakiin waxaa indhaha aduunka xaday xulka qaranka Masar markii uu Maxamed Salaax la lugeeyay garoonka dhexdiisa hogaamiye Ramzan Kadyrov.

Waxaa si cad u soo ifbaxday nacaybka reer galbeedka ee hogaamiyaha muslimka ah ee Ramzan Kadyrov waxaana arinta sii xumaysay xidhiidhka uu la leeyahay Russia iyo waliba khilaafka siyaasadeed ee UK iyo Russia iyada oo waliba aanu xidhiidhka guud ee reer galbeedka iyo kan Russia fiicnayn.

Sky News ayaa markii uu ka hadlayay kulanka Maxamed Salaax iyo Ramzan Kadyrov waxa uu ku tilmaamay in xidiga ree Masar uu la kulmay ‘Ciqaabaha’ Ramzan Kadyrov, waxayna soo bandhigeen in hogaamiyahan lagu eedeeyay in uu si xun u jidh dilay 100 nin oo ay sheegeen in ay ka mid ahaayeen dadka isku jinsiga ah ee isku galmooda.

Laakiin Sky News ayaa dhinaca kale soo bandhigay in hogaamiye Ramzan Kadyrov uu si adag u beeniyay in xataa ay Chechnya ka jiraan dad khaniisiin ahi isaga oo sheegay in haddii ay jiraan ay Canada gaystaan waxaana hadalkiisa la soo qaatay ka mid ahaa: “Anagu ma lihin khaniisiin, haddiiba ay wax jiraan, Canada u qaada”.

Haddaba Siduu Kulanka Maxamed Salaax iyo Hogaamiyaha Chechnya ee Ramzan Kadyrov uu u Dhacay?

Maxamed Salaax Oo La Kulmay Hoggaamiyaha Muslimiinta Chechnya, Warbaahinta Ingiriiska Oo Dhinaca Khaldan Ka Eegtay Iyo Masaarida Oo Miciin Ku Helay Gudaha RuushkaMaxamed Salaax ayaa iskaga raaxaysanayay hudheel ku yaala Grozny kadib waxaa lagu soo war galiyay in xubin muhiim ahi ay marti u tahay oo ay sugayso, wuxuuna Maxamed Salaax arkay hogaamiyaha jamhuuriyada Chechnya ee Ramzan iyo dadka ka agdhow oo sugaya.

Ramzan ayaa Maxamed Salaax ka dalbaday in ay isku raacaan garoonka halkaas oo ay ciyaartoyda kale ee xulka qarankiisa Masar ay tababar ku samaynayeen waxaana daawanayay kumanyaal jamaahiirta maxaliga ah ee reer Chechnya waxayna Maxamed Salaax iyo Ramzan soo wada galeen garoonka iyaga oo socdod ku dhex maraya.

Waxaa markiiba soo baxay sawirada Maxamed Salaax iyo Ramzan taas oo keentay in ayna farxad galin saxaafada gaalada gaar ahaan reer galbeedka kuwaas oo dacaayad iyo buun buunin ka sameeyay kulankan dhex maray walaalaha muslimka ah ee fursada isku helay.

Waxaa markiiba baraha bulshada la soo dhigay sawirada Maxamed Salaax iyo Ramzan Kadyrov iyada oo waliba tani keentay in hogaamiyaal isku sheega in ay u doodaan xuquuqal insaanku in ay arintan Maxamed Salaax eedayn ugu soo jeediyaan.

Hogaamiyaha jamhuuriyada Chechnya ee Ramzan Kadyrov ayaa Maxamed Salaax si wayn u amaanay wuxuuna sheegay in uu yahay xidiga kubbada cagta aduunka ugu fiican isla markaana guud ahaan ah  shaqsi dhamaystiran waxaana hadalkiisii ka mid ahaa: ” Maxamed Salaax waa ciyaartoyga aduunka ugu fiican isla markanaa guud ahaan waa shaqsi dhamaystiran”.

Maxamed Salaax Oo La Kulmay Hoggaamiyaha Muslimiinta Chechnya, Warbaahinta Ingiriiska Oo Dhinaca Khaldan Ka Eegtay Iyo Masaarida Oo Miciin Ku Helay Gudaha RuushkaWaxaa la arkayay Maxamed Salaax iyo Ramzan Kadyrov oo si buuxda gacmaha isku haysta isla markaana midnimo muujinaya iyaga oo garoonka uu xulka qaranka Masar tababarka ku qaadanayay ee kumanyaasha taageerayaasha ahi daawanayeen si wayn uga soo dhex muuqday.

Agaasimaha hay’adda Human Rights Watch ee Rachel Denber ayaa ka mid ahaa dadka ka qayliyay in hogaamiyaha Chechnya ee Ramzan uu wadamada Islaamka ah ee koobka adduunka ka qayb galaya uu soo dhaweeeyay wuxuuna tilmaamay in uu magiciisa siyaasadeed uga faa’iidaysanayo.

Agaasimaha Human Rights Watch Rachel Denber oo arintan ka hadlayay ayaa yidhi: ” Kan (Ramzan) Kadyrov waxa uu isku dayayaa in uu sumcadiisa gaarka ah uga faa’iidaysto in Chechnya noqoto meel sal dhig u ah kooxaha (muslimka ah ee koobka aduunka), boqolkiiba boqol waxay ahayd wax la sii saadaalin karayay”.

“Waxa uu ku faani doonaa iftiinka, waxa sidoo kale bilaa naxariis u ahaa Chechnya, Waxa uu raadinayay in la tirtiro nooc kasta oo siyaasad-doodeed ama shaqo xuquuqda aadanaha ah”. ayuu hadalkiisa sii raaciyay agaasimaha Human Rights Watch Rachel Denber.

Markii Maxamed Salaax iyo hogaamiyaha muslimka ah ee Ramzan Kadyrov ay garoonka soo galeen waxaa arintan ka hadlay agaasimaha garoonka uu xulka qaranka Masar tababarka ku qaadanayay oo magiciisa la yidhaa Magomed Matsuev kaas oo cadeeyay in Ramzan uu xidhiidh fiican la leeyahay boqorada iyo amiirada Saudi Arabia si la mid ah hogaamiyaasha Masar.

Agaasimaha garoonka ee Magomed Matsuev ayaa isaga oo xafiiskiisa fadhiya sheegay: “Dhamaanteen waxaynu ognahay in hogaamiyahayagu uu xidhiidh fiican la leeyahay boqorada iyo amiirada Sacuudiga oo uu xidhiidh fiican la leeyahay hogaamiyaasha Masar. Waxaanu ku faraxsanahay in Egypt ay doorteen in ay anaga noo yimaadaan”.

Wargeyska Daily Mail oo isna arintan wax ka qoray ayaa muujiyay in Maxamed Salaax uu dhexda u galay arin muran badan waxayna hogaamiyaha jamhuuriyada Chechnya ee Ramzan Kadyrov ku tilmaameen in uu yahay nin sharciyo adag oo islaamka ah hirgaliyay isla markaana ay dadka cabsi galiyaan ilaaladiisu.

Maxamed Salaax Oo La Kulmay Hoggaamiyaha Muslimiinta Chechnya, Warbaahinta Ingiriiska Oo Dhinaca Khaldan Ka Eegtay Iyo Masaarida Oo Miciin Ku Helay Gudaha RuushkaLaakiin wargayska Daily Mail ayaa u muuqday in uu Maxamed Salaax ugu cudur daarayo kulanka Ramzan Kadyrov iyaga oo sheegay in ay aqoon daro u gaysay oo aanu wax badan ka ogayn taas oo iyada lafteedu dacaayad kale ah.

Ciwaanada iyo qoraalada tirada badan ee ay saxaafada reer galbeedku ka qoraysay kulanka Maxamed Salaax iyo Ramzan Kadyrov iyo waliba qaabka ay ugu sifeeyeen in hogaamiyaha Chechnya uu sumcadiisa siyaasadeed ku wanaajisanayo ayaa si cad u muujisay marka laga yimaado muslimnimada Ramzan Kadyrov iyo Salaax in ay jirto arinta ah in Russia ay taageero buuxda siiso hogaamiyaha Chechnya ee Ramzan Kadyrov taas oo lugaha la galaysa khilaafka siyaasadeed ee Russia iyo reer galbeedka.

Qaar ka mid ah jamaahiirta kubbada cagta ayaa baraha bulshada ku soo bandhigay fikradooda iyaga oo qaar ka mid ahi taageeray dacaayada saxaafadu ay ka faafisay Maxamed Salaax waxayna sheegeen in xidiga ree Masar looga baahan yahay in uu war saxaafadeed ka soo saaro xaalada dadka ku sugan jamhuuriyada Chechnaya ee uu hogaamiyaha ka yahay ninka ay kulmeen ee Ramzan Kadyrov.

Si kastaba ha haatee, Maxamed Salaax ayaa si wayn ugu faraxsanaa in hogaamiye Ramzan Kadyrov uu ku soo booqday hudheelkii uu deganaa isla markaana uu la dhex lugeeyay garoonka uu xulka qarankiisa Masar tababarka ku qaadanayay, waxayna taasi dhinac muslimiinta noqtay mid dareen fiican muujinaysa oo gabi ahaanaba ka duwan dacaayada saxaafada reer galbeedka.

Kuma koobna oo kaliya magacyada wargaysyada aan soo qaadnay balse waa mid ay ka siman yihiin oo ay si buuxda saaxafada reer galbeedku ay u buun buunisay isla markaana ay dacaayad wayn uga abuurtay.

Haddaba akhriste aragtidaada ka dhiibo sida aad u aragto kulanka saxaafada reer galbeedka kaga qaylisiiyay ee uu Maxamed Salaax la qaatay hogaamiyaha jamhuuriyada Chechnya ee Ramzan Kadyrov, sidoo kale ha ilaawin in aad asxaabta kale ee baraha bulshada la share-garayso.

Waa Diyaarintii: Mahamoud Batalaale

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.