WorldRemitAds

Addis Ababa, Ethiopia, June 22, 2019 (Saxafi) – Shabakadda xogaha sirta ah daabacda ee Africa intelligence (Indian Ocean Newsletter) ayaa baahisay war muujiyay in midowga Afrika walaac ka qabo aqoonsi Somaliland hesho.

Guddoomiyaha Midowga Afrika, Moussa Faki Mahamat, ayaa sida warku sheegtay arrintan soo hadal qaaday. Iyaddoo waddamadan xooggoodu walaac ka qabaan in aqoonsiga Somaliland albaab hor leh ku furo. Sidaas oo ay tahay,  Shabakadda www.africaintelligence.com waxaa ay sheegtay in Midowga Afrika uu ka cabsi qabo in mid ka mid ah wadamada ku jira ururkaasi uu soo gudbin karro codsi lagu aqoonsanayo madax-bannaanida Somaliland – halka buu yidhi baahi xooggan loo qabo in ururkani iska kaashaadaan tan bedelkeedda iyo inay la dagaallamaan wada jir ahaan argagixisada ee Afrika.

SomlegalAds

Xogtan oo kooban ayaa haddii ay sida xogtu sheegtay run tahay waxaa ay Xukuumadda Somaliland ku dhiiri gelinaysaa inay dardar hor leh gelliso xidhiidhada waddamada ku bahoobay ururkaas iyo inay kordhiso galaangalka dublamaasiyadeed ee ay ku raadinayso inay waddamada midowga Afrika aqbalaan taariikhda dawladnimada Somalilnd iyo inay tix geliyaan Qaraaradda ka soo baxay ee sheegaya in xuduudaha Afrika ahaadaan sidii Gumaystayaashu u dhigeen, taas oo ogol in Somaliland iyo Somalia kala ahaayeen laba waddan oo Xuduud la isla aqoonsadday leh. Islamarkaana laba wadan laba waqti oo kala duwan ka kala qaatay xoriyadda 1960 kii in kasta oo ay mar danbe midoobeen oo taasina keentay dagaal culus iyo saddon sanadood ka dib in Somaliland la soo noqoto madaxbanaanideedda.

Midowga Afrika ayaa guddi xaqiiqo-raadis ah Somaliland u soo diray, iyadoo ay guddidaasi intii u dhexeysay 30-kii bishii April ilaa 4-ti bishii May ee sannadkii 2005-tii ay socdaal ku joogeen dalka Somaliland, waxaanay warbixin ay socdaalkoodaas ka soo saareen ku tilmaameen Somaliland dal go’doon la geliyay, sidaas darteedna waxay soo jeediyeen in Somaliland lagu abaalmariyo aqoonsi iyagoo soo bandhigay in tan iyo 1992 markii ugu horeysay ee ay Somaliland ku dhawaaqday la soo noqoshada xornimadeeda ay dalkeeda ka hirgelisay tiirarkii aasaaska u ahaa dimuqraadiyadda oo xoog badan, waxaanay ku tilmaameen “Dal casri ah”.

Halkan ka akhri warbixinta guddida xaqiiqa raadiska Midowga Africa  ama soo rogo

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.