WorldRemitAds
Hargeysa, Somaliland, December 17, 2015 (Saxafi) – Xisbiyadda Mucaaradka iyo Muxaafidka ah ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa soo dhaweeyay natiijadda ka soo baxday shir lagaga dooday siyaasadda arrimaha dibada.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire ayaa shalay soo xidhay kulankan oo ay iskugu yimaadeen Wakiiadda Somaliland u joogga Caalamka. Iyaddoo natiijadda ka soo baxdayna ay soo wadda dhaweeyeen Axsaabta Mucaarad iyo muxaafidba.
Mucaaradka iyo MuxaafidkaShirkan oo socday afartii cisho ee u dambeeyey ayaa xidhitaankiisa waxa ka soo qaybgallay hogaanka xisbiyadda, dublamaasiyiin hore iyo wasiiraddii hore usoo maray wasaaradda Arrimaha Dibadda qaarkood.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire ayaa sheegay in aqoon korodhsigan afarta cisho qaatay lagaga doodayey labaddii cisho ee hore waayo aragnimadda dalka, halka labaddii cisho ee dambana lagu falanqeeyey siyaasadda arrimaha Dibaddu halka ay u socoto.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Dr. Sacad Cali Shire oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Waxa loo baahan yahay 3-dii bilood ba mar in shirkan oo kale la isugu yimaado oo lagu gorfeeyo arrimuhu halka ay marayaan, waxa aan u baraney had iyo jeer eray aanu isticmaalno Republic of Somaliland waa in aynaan Isticmaalin Somaliland oo kaliya, Jamhuuriyadda Somaliland ayaynu isticmaalaynaa. Waxa kale oo loo baahanahay inaynu ku dadaalo sidii aynu u soo dabaali lahayn dawladda Ingiriiska iyo dowladaha Afrikaba inay hirgeliyaan qadiyadeena, waxa aanu uu baahanahay qaran ahaan dowlad, baarlamaan iyo axsaabta siyaasaddaba inaynu iska kaashano sidii aynu u heli lahayn aqoonsi, Anagoo ka faa’iideysanayna wakhtiga cusub ee siyaasadda aynu abaarno dowlado aynan abaari jirin, maadaama aqoonsigu aad iyo aad qiimo inoogu leeyahay in aynu maalgelino oo aynu samayno sanduuq aqoonsi weeye. Waxa kale oo u baahanahay in aynu xaqiijino oo aynu hubino in doorashooyin xor iyo xalaal ahi dalka ka dhaceen, maadaama ay wax muhiim ah u yihiin dimuqraadiyada, degnaasho iyo xaasilooni. Sidoo kalena waa in la abuuro Kayd, lagu kaydiyo wax alaale wixii qoraal ah ee laga qorey Somaliland, waxa kale oo loo baahyahay in aynu xidhiidh la yeelano hay’adaha calaamiga ah ee inaga saacidi kara ama garab inaga siin kara geedi socodka aynu ku jirno aqoonsiga iyo in aynu ka mid noqono wadamada aan la ictiraafin ururkooda”
Isagoo ka hadlaya wixii lagaga hadlayey waxa uu yidhi “Labaddii cisho ee u horeeyay waxaanu qaadanay aqoon iswaydaarsi, labaddii cisho ee u dambeeyeyna waxay ku dhamaadeen falanqeyn iyo gorfeyn siyaasadda arrimaha dibada Somaliland ah, Natiijada ka soo bixi doonta shirkeenan, waa shan qodob, ka ugu horeeya waxa weeyi Hage ay ku shaqayn doonaan wakiiladeenu, iyo Hage aanu u samayn doonno safiiradda ajanabiga ah ee Somaliland joogga, waxa kale oo ka soo bixi doona siyaasadda Arrimaha Dibadda Somailand oo qoraal ah, waxaanan ku tallo jirnaa guddi heer qaran ah oo loogu tallogalay inay ka shaqayso ictiraafka Somaliland. ”
 Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Faysa Cali Waraabbe ayaa soo dhoweeyey shirkan lagu falanqeynayey siysaasada Arrimaha Dibadda Somailand, waxaanu yidhi “Waxaan u arkaa in wasaaradeena arrimaha dibada uu waa cusub u baryey, arrimahan la soo jeediyay waa arrimo dhaxal gal ah, waxaana loo baahan yahay in arrimahaasi aynu kaga dhabayno, waan ku kalsoonahay wasiirkan waa nin ay ka go’an tahay qadiyadani,. . Waxa aanu u baahanahay si ay isla jaan qadaan wasaaradaha arrimaha gudaha iyo ta dibada in ta gudaha la hagaajiyo oo laga bilaabo inaga dhexdeena oo aynu dhamaysano maamulkeena iyo sharcigeena iyo calankeena oo la gaadhsiiyo dhulka aynu sheegano oo dhan”
Guddoomiye ku xigeenka xisbiga KULMYE Muj:Maxamed Kaahin Axmed ayaa isna yidhi “Aad baan usoo dhoweynaynaa kulankan iyo natiijaddii ka soo baxdayba, iyo ka ay wasaaraddu ka soo saari doontaba, Ictiraafka Somaliland qof qof ayuu uga maqan yahay haddii ay qurbo joogta Somailand tahay iyo haddii shacabka kale tahayba”.
Sidoo kale, Xoghayaha warfaafinta xisbiga WADANI Boobe Yuusuf Ducaale ayaa isna soo dhoweeyey shirkan, isla markaana sheegay in loo baahan yahay in si wada jir ah looga hawgalaa aqoonsiga Somaliland.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.