WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland March 16, 2012, (Saxafi) – Munaasibad lagu soo dhaweeyay Wasiir ku xigeenka Arrimaha amaanka qaybta Amaanka oo loo magacaabay Axmed Abokor ayaa shalay lagu qabtay Hoteelka Maansoor ee magaaladda Hargeysa.

Munaasibadan oo ay ka qayb-galeen masuuliyiin isugu jiray madaxda Qaranka, Salaadiin, Cuqaal, iyo culimo aw diin iyo wax garad kale oo farabadan oo ka soo jeedda beelaha Ciise Muuse oo ay ka mid yihiin maareeyaha dakada Berbera Cali Xoorxoor oo abaabulay xafladda iyo Gudoomiyaha gudidda diiwaan galinta ururada siyaasadda Cabdirisaaq Ciyaale, Furitaankii xafladani ayaa waxaa ugu horeyn ka hadlay xildhibaan Siciid Cilmi Rooble, waxaana uu hadalo dardaaran iyo duco isugu jira u soo jeediyey wasiir ku xigeenka cusub, waxaana uu illaahay uga baryey inuu ku garab galo xilkaas, sidoo kale waxaa halkaasi hadalo kooban oo duco iyo dardaaran isugu jira ka soo jeediyey sulaadiin.

Ugu danbayntiina waxaa halkaasi ka hadlay Wasiir ku xigeenka cusub ee amaanka mudane Axmed Abokor, waxaana hadaladiisii ka mida “Waxa dhawaanahan jiray wax yaalo yar yar oo tabasho ah, waxyaalahaana dhamayntooda waxaan la kaashan doonaa wasiirka iyo maareeyaha dekada iyo sulaadiinta beesha” Ayuu yidhi

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.