WorldRemitAds

Addis Ababa, Ethiopia, March 16, 2012 (Saxafi) — Nin hubeysan ayaa galbeedka Itoobiya ku dilay 19-qof oo rakaab ah, kaddib markii uu weeraray baskii ay la socdeen, waxaana ku dhaawacmay weerarkaas sideed qof sida ay sheegeen saraakiisha ammaanku.

Wakaaladda wararka AFP ayaa ku warantay in weerarkan uu geystay ruux weli ciidamada Amaanku daba-joogaan. “Weerarku wuxuu dhacay Isniintii… waxaan filaynaa in ruuxa fuliyay uu ahaa mid cadow ku ah nabadda,” Sidaas waxaa yidhi Omot Odenga Olol oo ah madaxa gobolka uu ka dhacday weerarka oo la hadlay wakaaladda wararka AFP.

Mr. Omot ayaa sheegay in ninka dilka iyo dhaawaca geystay uu ku hubeysnaa qori fudud, isagoo xusay in ruuxa falkan geystay uu ka qaatay rakaabka lacago iyo dhar ka hor intii aanu rasaasta ku furin. Iyadoo aan weli gacanta lagu soo qofka ruuxii dambiga galay. “Ciidammo badan ayaan goobta geynay welina waa raadinaynaa ruuxii dhibaatadan geystay oo weli maqan,” ayuu yidhi sarkaal u hadlay booliiska gobolka Galbeedka Itoobiya ku yaalla.

SomlegalAds

Ma jirto cid sheegatay inay mas’uul ka tahay weerarka lagu dilay dadka rakaabka ah ee la socday baska.

Gobolka ay rabshadu ka dhacday ayaa ah gobolka ay dagaan Gambeelaha oo 700-km kaga beegan dhinaca galbeed magaalada Addis Ababa, waana gobolka ay ka soo baxaan waxyaabaha ay Itoobiya dhaqaalaha badan ka hesho.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.