WorldRemitAds

Musharaxa xisbiga Garabka Midig ee dalka Faransiiska Francois Fillon oo hore raysal wasaare uga noqday dalkiisa, ayaa si wayn ugu horeeya wareega hore ee doorashada dalka Faransiiska, waxaanu Francois Fillon uu ka adkaaday, Madaxweynihii hore ee dalkaas Nicolas Sarkozy, oo mar kale isu sharaxay doorashada Madaxtinimada dalkiisa.

Raysal wasaarihii hore ee Faransiiska Francois Fillon, oo lagu naanayso Donald Trump-ka Faransiiska, ayaa guusha Donald Trump, wax wayn ka badashay ololihiisa, waxaanu dhawaan ku khudbadeeyay, in dunidu ka ammaan badnaan doonto intii hore, haddii ay isku soo baxaan Donald Trump, Vladimir Putin iyo Isaga Francois Fillon.

Sida wakaalada wararka Faransiiska ee (AFP), ku warantay, Francois Fillon ayaa codadkii wareega hore ee doorashada oo boqolkiiba afartan ku dhawaad la tiriyay, si wayn ugu horeeya natiijada waxaanu ka helay boqolkiiba 42.8%, halka musharaxa ugu dhow ee ku xigaa ka haysto boqolkiiba 26 kaliya.

SomlegalAds

Waxa uu galin hore hadhuudhlaha ku daray, Nicolas Sarkozy iyo musharaxiin tiro badan oo xisbiyada kale ee dalkaasi u tartamayay, kuwaas oo sida la sheegay wadartooda guud isku noqonayso sideed musharax.

Francois Fillon  ayaa ah musharaxa xisbiga Garabka Midigta Fog ee loo yaqaano, (Far-right National Front (FN). Waxaanay guushani xisbigaas u noqonaysaa tii ugu waynayd ee muddo tobannaan sanadood ah uu gaadho, waana sababta ay wakaaladaha wararka badankoodu ciwaanka uga dhigteen Donald Trump-kii Faransiiska oo guulaystay ama hogaaminaya wareega hore ee doorashada.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.