WorldRemitAds

Raxan diyaaradaha dagaalka ee dalka Switzerland ah ayaa labo maalmood ka hor caydhsaday diyaarada gaarka ah ee Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, waxaanu hawl galkaa diyaaradaha dagaalka Switzerland ku danbeeyay Cawralaay Cago.

Sida wakaaladaha wararka reer galbeedku ku warameen, diyaarada gaarka ah ee madaxweynaha Ruushka ayaa socdaal, daan daansi loo maleeyay ku dul haaday hawada qaar ka mid ah waddamada Yurub oo dalka Switzerland oo aan Midowga Yurub ka tirsanayn ku jiro.

Markii ay gaadhay hawada dalka Switzerland ayay diyaaradaha dagaalka ee dalkaasi ku dabo galeen hawl gal, wajigiisi horeba fashil ku bilaabmay sababtoo ah? Wax awood ah umay haysan inay soo ridi karaan, awoodna umaba laha ay ku duqayn karaan.

SomlegalAds

Hasa yeeshee markii ay muddo rubuc saace ku dhow ay daba socdeen ayaa sida qof ka mid ah rakaabkii kale ee la socday diyaaradaasi sheegay, ay diyaaradaha Switzerland mar qudha dib u carareen, mana ay garan sababta ku kaliftay.

Laakiin waxa mar danbe wafdigii diyaarada la socday oo aanu Madaxweyne Vladimir Putin la socon, loo sheegay, in diyaaradaha Switzerland ay arkeen diyaar garowga diyaarada Madaxweyne Putin, taas oo sida la sheegtay diyaarsatay gantaalaha Nukliyeerka ah ee ku xidhan, ka dibna raadaaladii digniinta ee Yurub oo dhami wada qayliyeen.

Si degdeg ah ayaa duuliyayaashii caydhsanayay loogu amray inay ka hadhaan oo waliba dib uga baxaan, khadka duulimaad ee ay ku jirto, mana jirin wax war ah oo labada dhinac midna ka soo saaray.

Diyaarada gaarka ah ee Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa siday wafdi ka socda dalka Ruushka oo booqasho shaqo ku tagay dalka Bolivia ee koonfurta Qaarada Amerika ku yaala, waxaana sababta loo siiyay diyaaradani la xidhiidhay difaaceeda iyo awooda ay u leedahay inay xoog ku dul mari karto waddamada Midowga Yurub ee ay xiisada wayni ka dhaxayso Ruushka.

Diyaarada gaarka ah ee Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa ka mid ah kuwa ugu xooga wayn dunida, waxaanay awood u leedahay inay muddo 24-saacadood ah difaaci karto madaxweynaha, sababtoo ah? Waxa ay ku qalabaysan tahay, gantaalaha ridada dheer iyo kuwa difaaca cirka iyo dhulkaba.

Diyaaradan ayay ku rakiban yihiin gantaalaha Nukliyeerka ee sida daran wax u gumaada, waxa kale oo ay ku qalabaysan tahay, gantaalo tiro badan iyo awooda kale oo dagaal, waxaanay iyadoo ka mid ah diyaaradaha ugu waaweyn dunida, ku degi kartaa garoon kasta oo ku yaala dunida, xitaa kuwa ugu yar yar madaarada dunida ayay fadhiisan kartaa, haddii loo baahdo.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.