WorldRemitAds

Madaxda sar sare ee waaxda dhaqanka iyo soo noolaynta taariikhda u qaabilsan, Imaarada Abu-Dhabi ayaa shaaca ka qaaday, in Mahrajaankii ugu balaadhnaa abid ee lagu soo xulayo Hasha ugu quruxda badan dalkaas iyo guud ahaan khaliijka carabtu uu dalkaas si rasmi ah uga furmi doono, maalinta sabtida inagu soo foolka leh.

Tartanka sanadka ayaa la sheegay inay ka qayb gelayaan in ka badan 21-kun ee Halaad, kuwaas oo ku tartami doona quruxda iyo baratanka geela ee dhaqanka u ah dadka Khaliijiyiinta ah, waxaana sida waaxda dhaqanka iyo soo noolaynta taariikhda dalkaasi sheegtay lagu bixin doonaa abaal-marino lagu qiyaasay toban milyan oo dollar.

Maxamed Masruuc oo isagu madax ka ah waaxda soo noolaynta taariikhda iyo dhaqanka ee Imaarada Abu-Dhabi ayaa warbaahinta u sheegay, in Mahrajaankan oo loogu magac daray “Mahrajaanka Al-Dufra” ay ka soo qayb geli doonaan, in ka badan labaatan kun oo Halaad kuwaas oo ay mulkiyadooda leeyihiin in ka badan sadex iyo toban kun oo qof, oo ka kala socda lixda wadan ee dalalka Jaliijka iyo qaar u tartamaya dalalka Bariga dhexe qaarkood.

SomlegalAds

 Masruuc ayaa intaa ku daray in tartankan oo ay ku bixi doonto, lacag dhan tobanaan milyan oo doolar ujeedadiisu tahay sidii loo ilaalin lahaa, loona soo noolayn lahaa caadooyinka iyo dhaqamada dadka carabta ah ee ku dhaqan dalkiisa iyo guud ahaan dunida carabta.

Mahrajaanada loo qabto geela ee lagu soo xulo Hasha ugu quruxda badan ayaan lagu darin geela Somalida oo lagu tilmaamo ka ugu badan dunida, hasa yeeshee mar su’aashaas la waydiiyay waxa ay Imaaraatku kaga jawaabeen inaan la helayn cid u safata iyo hab lagaga soo qayb geliyo geela Somalida.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.