WorldRemitAds

Nin cad oo u dhashay dalka Maraykanka laguna magacaabo, Scott Henson, ayaa dhibaato ka qabsatay xanaanaynta iyo ilaalinta gabadh shan jir ah oo uu awoow u yahay, oo midabkeedu madow yahay, waxaana tiraba in ka badan toban jeer loo taxaabay xabsiga isagoo looga shakiyay in uu xaday ama afduubayo.

Ninkan ayaa warbaahinta u sheegay in gabadhan yar ee uu awoowga u yahay, uu aad u jecel yahay, isla markaana iskii u go’aansaday in uu xanaaneeyo, meel kasta oo uu tagayana jecel yahay in ay u raacdo oo uu waliba xanbaaro, waxaanu taa ku sababeeyay in hooyada dhashay oo ah, gabadh uu isagu dhalay, ay shaqooyin badan qabato oo guriga inta badan ka maqan tahay, isna aad u jecel yahay inuu ilaaliyo.

Nin Cad Oo Maalin Walba Dhibaato Ka Soo Gaadho Ilma Yar Oo Madow AhHaddaba markasta oo uu ninkani isku dayo in uu gabadhan awoowga u yahay, geeyo suuqa ama soo ciyaarsiiyo, waxa telefoon booliska u diraya, dadka jaarka iyo meelaha uu marayo, kuwaas oo booliska u sheega in gabadh yar oo madow uu nin cadi xadayo, booliskuna gaadhka ka dul wareejiyaan.

SomlegalAds

Ninkan oo ka waramay dhacdooyinka ka soo maray gabadha uu awoowga u yahay ayaa sheegay in wakhti uu geeyay, beer caruurtu ku ciyaarto markii uu ka soo noqday, ay boolisku qabteen, ka dibna si xun ula dhaqmeen, oo inta ay gabadhii yarayd ka qaadeen isagana katiinad ku maroojiyeen, saldhigana saacado uu ku xidhnaa.

Dhacdadan ayuu ninkaasi ku tilmaamay mid naxariis daro iyo midab kala soc heerkii ugu sareeyay gaadhsiisan lagula kacay, waayo? Waxa uu ku dooday in ilme uu isagu dhalay oo Alle ka beeray, loogu diidayo midabkooda oo kala duwan, waxa uu xusay in aanu isagu si xun ula dhaqmin aadna u jecel yahay oo in daqiiqad ay garabkiisa ka maqnaato aanu doonin, taas oo heerka jacaylka uu u hayaa gaadhsiisan yahay ku kaliftay in xitaa ay dhibsadaan in basaska ay raacaan, oo marka ay diido baska uu degta inta uu ku qaado la lugeeyo.

Dadka badankooda ayaa marka ay booliska la hadlaan u sheega in nin cadi xadayo gabadh yar, hasa yeeshee qaar ka mid ah dadkii telefoonada booliska u diray ayaa ku dooday in aanay arag qof cadaan ah oo garbaha ku sita ilmo yar oo madow ah taasina ay shakiga ku beertay.

Ninkan odayga ah ayaa isna cadho daraadeed ka hor ooyay saldhig boolis oo dhawaan lagu xidhay, gabadhaa yarna lagaga reebay, waxa uu booliska u sheegay in ay ilmihiisi tahay, xaqna aanay ugu lahayn inay ka qaadaan, sidoo kale gabadhaas yar ayaa qaylo afka waaxday markii xoog lagaga qaaday awoowgeed waxaanay ku qaylisay ii daaya I daaya, waxa ay warbaahinta u sheegtay in ay moodaysay in la af duubayo oo awoowgeed la dilayo.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.