WorldRemitAds

Jasiirada ama qaarada cidhifka waqooyi ee dunida ku taala (Greenland), oo ah mid sanadka intiisa ugu badan baraf ku fadhiyo, ayaa wakhtigan xagaaga ah ee bisha Ramadaan ku soo beegantay saacadaha soonku ku dheeraaday, waxaanay noqonaysaa meesha wakhtiga ugu badan laga soomayo.

Jasiiradaas oo maamul ahaan hoos timaada dalka Denmark, laakiin leh maamul hoosaad awood badan leh, waxa ku nool hal qof oo muslim ah, kaas oo loogu naanayso Columbus-ka Carbeed, magaciisuna yahay Wisam Saqir, ninkaas oo asalkiisu yahay Lubnaani waxa uu jasiiradaas deganaa muddo dhawr sanadood ah, waxaanu yahay qofka qudha ee muslim ah ee ku nool Greenland, waxaanu sanadkan soomi doonaa 21-saacadood.

Sida lagu baahiyay shabakada wararka ee (Unmid), Wisam Zakir ayaa degan magaalo ku taala jasiiradaas, taas oo buuro dhexdood ku taala, waxaanu saacadaha soonkiisu noqonayaa 21-saacadood, suura gal uma noqonayso ninkani inuu tukan karo salaada Taraawiixda, mana awoodo inuu xitaa qoyskiisa la sheekaysan karo, wakhtiga kooban ee uu haysto awgeed.

SomlegalAds

Greenland waa jasiirada ama dhulka banaan ee ugu wayn ee ku yaala, inta u dhaxaysa, badweynta Atlantic-ga iyo bada Arctic Ocean, lagu magacaabo.

Wizam Zakir oo ah qofka qudha ee carab muslim ah ee ku guulaystay inuu ku noolaan karo dhulkaas, ayaa magaalada caasimadda u ah jasiiradaas ee lagu magacaabo, Nook halkaas oo uu ku leeyahay hudheel maalintii shaqeeya 22-Saacadood, kaas oo sida muuqata ka mid ah hudheelada ugu shaqada badan dhulkaas.

Wizam oo la waydiiyay dareenkiisa ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay, inuu noqdo Muslimka kaliya ee ku nool Greenland, waxaanu ka waramay inuu oogo salaada, Ramadaantana soomo, inkasta oo uu xusay inuu jeclaa ama marar badan isku dayay inuu tago Lubnaan oo bisha Ramadaan halkaas ku soomo, laakiin mar kasta marka ay soo dhawaato fikirkiisu is badalo oo iska sii joogo Greenland kuna guto waajibaadkiisaa diiniga ah, culays kasta oo ay u leedahayna u babac dhigayo si uu Rabigii abaal iyo xasanaad uga helo Aakhiro.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.