WorldRemitAds
Hargeysa, Somaliland, February 21, 2016 (Saxafi) – Mujaahid Nuur Cabdi Caydiid oo ka mid ahaa mujaahidiintii SNM ee halgankii dheraa usoo galay dib u xorayntii jamhuuriyada Somaliland isla markaana wakhti xaadirkan ku nool magaalada Hargeysa ayaa la ildaran xanuunka dhimirka, taageerana u baahan.

Waxaana Nuur Cabdi Caydiid uu ku xidh xidhan yahay silsilado, kuwaasi oo jiif iyo joogba u diiday, mujahid Nuur waxa xanuunkan maskaxda ku dhaliyay sida ay noo xaqiijisay hooyada dhashay Nuur dhaawac ka soo gaadhay mid ka mid ah dagaaladii dalka lagu xoraynayay kaasi oo sababay inuu khalkhal ku yimaado maskaxdiisa.
Maryan Barre Abiib oo ah hooyada dhashay mujaahidka oo tan iyo wakhtigii dalku xorroobay la tacaalaysay xanuunka wiilkeeda haleelay, isla markaana dhaqaale ahaan aan awoodi Karin u gargaarida wiilkeeda buka, ayaa mar waraysi lagala yeeshay ka warantay xaaladiisa caafimaad.
Hooyo, Maryan waxay noo sheegtay mudda uu hayo wiilkeeda xanuunkani iyo waliba duruufaha nololeed ee ku gadaaman iyada iyo qoyskeeda waana tan mama maryan oo ka waramay xalada ay ku sugan yihiin. “Duruufta meesha nagu haysata waxaa noogu weyn ninkaas xanuusanaya, ee mujaahidka ah intii uu xanuunka qabayna waa muddo 20-sanno ah, waxaanu ku dhaawacmay sheedaha waxaanu ka mid ahaa mujaahidiintii wadanka xoraysay ee baabuurta Tignikada ah ridaysay, markaa miciinkiisuna waa aniga oo dulfadhiya oo aan ka tagin, iyo aabihii oo xiiqleh oo todobaad markuu caafimaad qabo todobaadka kalana dhulyaal ah, oo da’diisuna aanay 80-jir ka yarayn, aniguna dibada ugama bixi karo oo sidaas uu u silsiladaysan yahay uun baan u silsiladaysanahay”mama Maryan
Hooyo Maryama oo ah hooyada dhashay wiilkan uu haleeyay xanuunka maskaxdu waxa ay baaq u dirtay bulshoweynta reer Somaliland ee ku kala sugan gudo iyo dibadba, ganacsatada iyo waliba xukuumadda Somaliland, waxaan ay ka codsatay in laga caawiyo dhibta inankeeda haysata si uu helo caafimaad alla caafimadka bixiyee waxaana ay tidhi. “Dhaqaale cid naga caawisa hadaanu helaynana Illaahaybaanu ugu mahadinaynaa, waxaananu ku noolahay makhsinkaa jiingada ah, qabow iyo kulayl midna nooma xamili karo waana 20 sanno intaa uu maanta qabo xanuunkani.”
Hooyo Maryan iyadoo hadalkeeda sii watada ayaa waxay tidhi “Ma jirto cid noo timid oo naga soo wardoontay, halkan uun buu noogu silsiladaysan yahay anaguna awood aanu maanta dhakhaatiirta ugu gayno oo aanu ku soo baadhno ma hayno, bulsho weynta reer Somaliland, gudo iyo dibadba iyo dadka kale ee muslimiinta ah waxaanu ka codsan lahayn inay naga caawiyaan dhibaatada na haysata, inankayga iyo anagaba na haysata hadii ay wax nooga qaban karaan oo ay na caawin karaan”sidaas ayay hadalkeeda kusoo koobtay hooyo maryan oo ah hooyada dhashay wiilkan mujaahidka ah eek u xanuunsanay gudaha magaalada hargeysa.
Hadaba walaalo alle subxaanahu wa tacaala waxa uu quraankiisa ku yidhi iskugu gar gaara wanaaga, umada islaamka ahna waxa lagu yaqaanay inay isku gargaaraa kaalmeeyan walaalkooda dhiban waxii aad ku tari karto ee caawimo ah ugu hagaaji numberka hoos ku qoran. Tell:-4193917

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.