WorldRemitAds
Muqdisho, Soomaaliya, February 21, 2016 (Saxafi) – Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh ayaa sheegay inuu damacsan yahay inuu qaadka yimaadda wadanka Soomalia uu yareeyo, isla markaana ku soo rogo cashuur badan.

Sidaasna waxa uu ka sheegay mar uu ka qaybgallay Barnaamij ay shacabku su’aalo ku weydiinayeen, waxaanu sheegay in qaadka ama Jaadku uu dhibaataooyin badan ku hayo bulshada Soomaaliyeed, taas oo uuku tallo jiro qorshe Bulshada looga wacyi-gelinno Qaadka iyo Dhibaatooyinkiisa.
Xasan Sheekh ayaa intaas ku daray in in meelo badan oo Caalamka ka mid ah Qaadka laga mamnuucay, balse ka Dowlad ahaan ay sameynayaan qorshe Dadka looga Wacyi-gelinayo dhibaatada uu Qaadka/Jaadku leeyahay. “Go’aan ay dowladdu ku mamnuucayso Qaadka waxay u baahan tahay waqti badan, balse culummada iyo Bulshada Rayidka ah Waxaanan ka rabnaa inay door ka qaataan ka Wacyi-gelinta bulshada dhibaatada uu Qaadka/Jaadku leeyahay, Dowladduna waxay sameynaysaa inay lacagta ugu badan ee Canshuurta ah laga qaado Qaadka, si bulshadu Soomaaliyeed ay si sahlan u dhaafi lahaayeen Cunistiisa iyo gadashadiisa, ” ayuu yidhi Madaxweyne Xasan.
Madaxweynaha Somalia oo ka hadlay Aaminaada shacabka Soomaaliyeed ay aamisan yihiin Dowladdooda ayaa xusay inay tahay muhiim in shacabku ay ku kalsoonaadaan Mas’uuliyiintooda, wuxuuna intaas ku daray inuu Barnaamijka Daah-furka Dowladeed uu Qayb weyn ka qaadan karto in is-aamin iyo weliba isla-xisaabtanka dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.
“Si aan Nidaam iyo Hab aan isku Aaminno u sameysano, Nidaamka Dowladnimada ayaa u baahan in la aamino, Shakhsiga maanta xilka haya berri wuu ka tagayaa, howshan maanta u joognana waa Tallaabada lagu sixi karo Nidaamka Dowlad-nimada, ” ayuu Madaxweynaha Somalia ku daray hadalkiisa.
Mar uu ka hadlayey xaga amniga waxa uu yidhi “Arrinta Ammaanka iyo bixinta mushaaraadka ciidanka waa mid waajib ah, waa suuro-gal in mushaarka ciidanka uu dib u dhac ku yimaado, Laakiinse way naga go’an tahay bixinta Mushaarkooda, Maadaama ciidanka dowladda FS ay u taagan yihiin sidii ay cadowga uga difaaci lahaayeen bulshada.”
Isagoo sii hadlaya ayuu intaas ku daray. “Waxaan ka Cudur-daaranaynaa marka ay socdaan Hawlgalada cadowga lagu beegsanayo ay shacabka waxyeellooyin kasoo gaadho, mar kasta Dowladda Somalia waxaa ka go’an cdhrib-tirka cadowga Shacabka Soomaaliyeed. , ”
Madaxweynaha oo hadlay Arrimaha Garsoorka ayaa sheegay in Nidaamka Dowladnimada ee 30-kii sano ee lasoo dhaafay lagu Dhaqmayay la bedelay, isla markaana la keenay Nidaam cusub oo Xukunku baahsan yahay, Taladu baahsan tahay uuna qorayo dastuurka in adeega garsoorka uu ka madax-bannaan yahay xukuumadda, sameynta guddiga ayaa wakhti badan nagu qaadatay, balse hadda meel Wanaagsan ayay noo maraysaa howshaas”.
Ugu dambeyn, Waa markii ugu horreysay oo Madaxweynaha Soomaaliya uu si toos ah uga hadlo Qaadka iyo Dhibaatooyinka uu ku hayo Bulshada, iyadoo la Ogsoon yahay in Qaadku uu nooga yimaado dalka Kenya, dhaqaale badanna uu ku baxo.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.