WorldRemitAds

Nin u dhashay dalka Pakistan oo saddex dumar ah guursaday, kana dhalay lix iyo soddon carruur ah, ayaa warbaahinta u sheegay in aanu wali gaadhin hadafkiisi oo uu ku taamayo sidii uu u guursan lahaa xaaskii afraad si ubadkiisu afartan ilaa konton u gaadhaan haddii qadarku u saamaxo.

Ninkan odayga ah oo lagu magacaabo, Glazar Khan waxa uu ku nool yahay guri wayn oo sida qalcadaha boqortooyadu degaan aan laga garan, kaas oo ay ku nool yihiin boqol qof oo tafiirtiisa ah, kuwaas oo isugu jira, lix iyo sodon carruur ah oo u dhalay iyo dhawr iyo lixdan kale oo ay hablihiisa iyo inamadiisu sii dhaleen oo uu awoow u yahay.

Mr. Khan oo ku nool gobolka qabiilku maamulo dalka Pakistan ee Wasir Istan waxa uu sheegay, in duruufaha ka jira gobolkaas iyo colaadaha soo noqnoqday ee u dhexeeya ciidamada iyo kooxaha, Islaamiyiinta Daliban, ay ka kala kiciyeen qorshihiisi uu muddada dheer ku taamayay, kaas oo sida uu sheegay uu ku hamiyayay inuu xaaskii afraad guursado dhawrkii sanadood ee aynu ka soo gudubnay.

SomlegalAds

Qorshaha uu ku doonayo inuu guursado xaaskii afraad ayuu ku rabay inuu carruur intaa ka badan dhalo, haddii ay xaga Alle uga qoran tahay, sida uu warbaahinta u sheegayna waxa uu ku talo jiray, in ubadkiisu afartan gaadho haddii uu sii dhaafin karana halkaas ka sii wado.

Ninkan oo ka qaxay gurigiisi waynaa ee uu deganaa, wakhtigan qaxooti isaga iyo tafiirtiisu ku joogaan, magaalo la jaar ah degaankoodi, ayaa sheegay in aanu ka murugoon qaxootiga iyo dhibaatada ka soo gaadhay dagaalka, balse uu ka xun yahay in aan Riyadiisu u rumoobin oo aanu xaaskii afraad guursan, lacagtii iyo kharashkii uu arooskeeda ugu talo galayna kaga baxday guur guurka iyo qaxootiga uu galay.

Ninkan oo beeralay ah ayaa leh dhul beereed aad u wayn oo uu wax ka beerto, kaas oo lacagta ka soo gasha raashinka iyo khudaarta uu ka beeraa, ku filan tahay qoysaskiisan tirada badan iyo carruurtiisan maca tafiirtoodu boqolka gaadhay, mararka suuqu fiican yahayna lacago dheeraad ahi uga soo baxdo.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.