WorldRemitAds

Jaamacada Azhar waxa ay ka mid tahay goobaha cilmiga ee dunida Islaamka ugu cimriga iyo taariikhda dheer, waxa la aasaasay Jaamacada Azhar sanadkii 361-kii Hijriga oo ku beegnayd, 972-kii Taariikhda Miilaadiga, waxaana dhismaheeda hir galiyay xaakimkii Imaarada Islaamiga ee Qaahira Furatay Jawhar Siqili, kaas oo dhismaheeda amray sanadkii 970-kii Miilaadiga oo ku beegan furashadii Qaahira.

Xiliga la aasaasay jaamacada Ashar waxa ay ku beegmaysaa dhinaca kale wakhtigii Khaliifkii koowaad ee dawladii Fadimiyiintii Masar ee uu amiirka u ahaa, Moez Ledin Allah, amiirkii Faadimiyiinta Masar ayaa markii uu qabsaday Magaalada Qaahira waxa uu amray in la dhiso jaamacad uu Azhar ugu magac daray, taas oo uu dhagax dhigay, 14-kii Ramadan 359 Hijriga oo ku beegmaysa 970-kii Miilaadiga.

Muddo laba sanadood ah oo dhismaha Masaajidka wayn ee jaamacadaasi ka samaysantay socday, ka dib waxa la hirgaliyay jaamacadii ugu waynayd dunida Islaamka iyo aduunyada oo dhan wakhtigaas, waxaanay jaamacadaasi soo saartay dad badan oo noqday culimada waaweyn ee dunida Islaamka iyo khabiiro ikhtiraacyo badan oo dunida iyo tignoolajiyada casriga ah wax ka taray dunida ku soo kordhiyay.

SomlegalAds

Toban sanadood ka dib waxa ay jaamacadaasi noqotay goobta kaliya ee la isku waafaqay, inay manbac u tahay, shareecada Islaamiga ah iyo caqiidada diiniga ah, gaar ahaan Mad-habta Suniga ee Diinta Islaamka oo ay ilaa wali tahay xarunteeda ugu wayn.

Waxa uu khaliifkii Faadimiyiintu uu amray in halkaas la isugu keeno kun caalin oo bud dhiga, cilmiga iyo daraasadaha kala duwan ee jaamacadaasi siin doonto ardayda wax ka dhigan doona, kuwaas oo la hir galiyay, waxaanay wakhti kooban gudihii jaamacada Azhar ka horumartay jaamacadii waqooyiga iyo galbeedka afrika ugu waynayd ee Qarawin oo ku taalay dalka Tuunis.

Jaamacadan ayaa dawladii Ayuubiyiintu markii ay khilaafada qabsatay sii xoogaysatay, waxaana marar kala duwan soo booqday, hogaamiyihii waynaa ee Salaaxu Diin Al Ayuubi, waxaanay jaamacadaasi muddo kun sanadood ah, ku soo dhaqmaysay manhaj dhex dhexaad ah oo isku soo dhawaynta umada xooga saaray.

Sanadkii 1962-kii ayaa mar kale dib u habayn balaadhan lagu sameeyay, aadna loo balaadhiyay dhismayaasha Kaamboolkeeda, waxaana lagu daray, kuliyado badan oo sayniska iyo tignoolajiyada dunida la talaabsanaya.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.