WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland November 27, 2015 (Saxafi) – Prof. Cabdisalaan Yaasiin ayaa shaaca ka qaaday in uu murashax madaxweyne ee xisbiga Wadani ka yahay, islamarkana uu kula tartamayo gudoomiye Cabdiraxman Cirro, waxana uu sheegay in loo baahanyahay inuu xisbiga Waddani ka duwanaado xisbiyadda kale.

Prof. Cabdisalan Yaasin oo shir jaraid ku qabtay magaladda Hargeysa ayaa sidoo kale ka hadlay khilaafka ka taagan xisbiga UCID isagoo xusay in gudoomiye Eng. Faysal Cali Waraabe ay hayd inuu ka fadhiisto siyaasada isagoo buu yidhi nin weyne ah, laakiin aanay ahayn in uu erayo aan qabanin murashaxii madaxweyne ku xigeenka xisbiga UCID Cabdirashiid Xasan Mataan ee is casilay uu kula kaco.

Ugu horeyn isagoo khilaafka xisbiga UCID ka hadlaya waxa uu yidhi “Waad arkayseen xisbiga UCID wixii ka dhacay Faysal Cali Waraabe halkii ay ahayd in isagoo nin weyn ah oo muxtaram ah uu fadhiisto, ninkii odayga ahaa Cabdirashiid Xasan Mataan ee xisbiga iska casilay in erayo aan qabanin uu ku yidhaa iyo Marti buu ku ahaa xisbiga iyo nin si fudud u tegay iyo haddii uu iska tagay waxba muu tareyn xisbiga waa khalad. Waar xisbiga yaa keenay oo soo saaray, ragii soo saaray xisbiga ayuu ahaa isaga iyo Jaamal Cali Xuseen. Axdi ayaa la galay oo waraaqo ayaa la kala qortay oo la hayaa, waxa weeyaan ninka caynkaas oo kale ah ee doonaya masuuliyad iyo inuu taliyo siduu u talin haddii aan kaba soo baxayn balankii uu galay”

SomlegalAds

Sidoo kale, waxa uu kahadlay inuu musharax kula tartamayo xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Ciro marka la gaadho shirweynaha golaha dhexe, waxaanu yidhi “Waxaan halkan ka cadeynayaa inaan ahay murashax madaxweynaha doorashadda soo socota iska sharaxayo xisbiga Waddani, waayo maanta waxa aan ku boorineyaa in xisbigu ka duwanaado qaabkaasi aan soo sheegay. Waayo haddii aan doonayno inaynu badelno wax, waa in aynu isbedelnaa, Xisbigga Waddani waa inuu ka duwanadaa xisbiga talada wadanka haya ee Kulmiye waa in uu ka duwanadaa xisbiga UCID ee imika aynu arkayno sida dhaqankiisu yahay, waa in uu noqdaa xisbi aan qof lahayn, qabiil iyo kooxi lahayn. Waa in uu noqdaa xisbi dhisan oo muasasaadkiisa oo dhami uu dhisan yahay oo diyaar u ah tartan xor iyo xalaal ah inuu galo. ”

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.