WorldRemitAds

Burco, Somaliland, November 27, 2015 (Saxafi) – Isbahaysiga garabka Dimu-quraadiyad doonka ee Xisbiga Kulmiye ayaa dhoola-tus Siyaasadeed ku sameeyey Burco, ka dib socdaal lama filaan ah oo ay halkaas ku tageen qaar kamid ah xubnihii ka biyo diiday ka qayb galka shirkii golaha dhexe ee Kulmiye.

Xubnahan oo ka sokow shirka Kulmiye sidoo kale ka dhaqaaqay xilalkii ay ka hayeen Xumuukadda Madaxweyne Siilaanyo ayaa safarkoodda Burco is weydiin badan dhaliyay, waxa xubnaha Go’yaasha Maxamuudiga ah kusii jeeni qaartay ee Safarka daadihinayay kamid ah Wasiirkii hore ee Masaxtooyadda, Wasiirkii hore ee Arrimaha Bulshada iyo Gudoomiye ku-xigeenka labaad ee Xisbiga Kulmiye sidoo kale waxaa ku jiray Xildhibaanno ka mid ah golaha wakiillada.

Soo dhaweynta Isbahaysiga KULMIYEDadweyne tiro badan ayaa degmada Qoyta oo dhinaca Waqooyi ka kulaalaysa degmada Sheekh, dhanka barina Ceelka Burco caasha ku haysa, waxa ay kaga hor-yimaadeen Masuuliyiintan aynu kor ku soo sheegnay, kuwaasoo sida la wariyay, iyagu hiirtii Wabari ee shalay ka hor intii aan Nin iyo Geed la kala garan ka baqoolay Magaalada Hargeysa.

SomlegalAds

Dadweynaha reer Burco oo sida lagu yaqaan ah dad aragti fog oo Xamaasaduna aanay ka madhnayd, waxa shucuurtooda shalay laga dhahanaayey muuqaalo iskugu jira Jibbo ficil leh iyo taageero aanu hiil ka madhnayn in kasta oo aan la ogeyn sifaha ay ku timi iyo halka ay ku jihaysantahay maadaama xubnahani shirkii ay ku socdeen lagu kala food-qaaday sharci yo sharci darro mid uu ahaaba. jidadka magaalada iyo hareeraha uga baxa ayay saf-saf u taagnaayeen dadweyne iskugu jiray Odayaal Gadh casayaal ah, Madax-dhaqameed, aqoonyahan, Haween iyo Dhalinyaro, kuwaasoo qaarkood ku tiraabayeen weedho iyo kelmado xadanto leh, halka kuwo kale-na ay lulayeen boodhadh lagu soo xardhay halku dhigyo wadareed iyo sawirrada xubnaha waftiga ah.

Soo Dhaweynta Cabdi Aw Daahir iyo Xirsi Cali

Xubnaha garabka is-bahaysiga Dimu-quraadiyad doonka ah, oo dadweynaha goob fagaare ah kala hadlay, ayaa ka sekow mahad-naqa soo dhoweyntooda, waxa ay ku mudeen ama ku dureen farriin ka turjumeysaa dulucda fasarkooda, oo aanu ka madhnayd khilaafka Xisbiga Kulmiye iyo Masiirkooda danbe ee siyaasadeed.

Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan oo hadaladiisu u dhaadhamayeen farriimo duur-xul ah, oo badhna uu Hargeysa u diraayay qaarkoodna uu kula hadlayey reer Burco, waxa uu yidhi, “Waxaanu fahmaynaa maanta anagoon xil hayn in nala soo dhoweynayo oo nalagu soo dhoweynayo kal-gacal, dadkayaga oo na rabba, oo na jecel. Way kala qiimo badan tahay marka qofka madaxnimada iyo kursiga uu ku fadhiyo lagu soo dhoweynayo ama (Lacag/shilin) lagu soo dhoweynayo, iyo marka qalbigooda, dareenkooda iyo kal-gacal ay kuu hayaan ay kugu soo dhoweynayaan. Intaa Kulmiye ee halkan maraysa iyo inta naga maqan waanu idiin mahadnaqaynaa”.

Soo Dhaweynta Xirsi iyo Cabdi Aw DaahirSidoo kale, Dr Cabdi Aw Daahir Wasiirkii hore ee Arrimaha Buslahda oo isna yidhi. “Waxaanu u nimid inaad danta u midowdaan, horumarka u midowdaan, waxa kale oo idiin sheegaya ahadii aanu nahay is-bahaysigii dimu-quraadiyad doonka, shirkii ka dhacay Hargeysa waxa uu ahaa mid Xaaraan ah, wixii kasoo baxaynaa waa Xaaran”.

Dhanka kale, Gudoomiye ku-xigeenka labaad Xisbiga Kulmiye Xildhibaan Waabeeye waxa hadalladiisi ka mid ahaa “Intii aan Siyaasadda ku jiray maan arag Burco sidan u mideysan. Waxa halkan marayaa waa dadkii midnimada Burco ka shaqeyn jiray, wanaaga, isku soo dhowaanshaha. Waxad ka war qabtaan shirkii ka dhacay Hargeysa oo ahaa mid afduub ah, sidaa darteed maadaama oo aad tihiin Taageerayaashada waxaanu idiinku nimi inaanu idiinla tashano, waynu wada-hadleynaa oo midnimada Burco ayeynu ka tashanaynaa. Waxaan idiin sheegayaa hadaad reer Burco tihiin, Diiwaan-gelin-baa socotaa ee inaynu ka qayb galaa weeye Diiwaan-gelinta si aan la inooga cod badan, wixii danbe fadhi ayeynu isku odhan doonaa”.

Dhanka kale, qaar kamid ah Odayaasha dhaqan wax-garaadka iyo Taageerayaasha garabkooda ee Kulmiye-ha gobolka Togdheer oo cabirayay dareenkooda ku aadan xubnaha waftiga waxa ereyadoodii ka mid ah. “Muuse Waxaanu Leenahay Gaadhi Faaruq Ah Baa Lagugu Wareejiyaye Waa Kaas Shacabkii, Kulmiye”. Sida waxa yidhi gudoomiyaha qaban-qaabada soo dhoweynata waftiga Axmed Cige Yare. Sidoo kale, mid kamid ah taageerayaashi goobta ka hadlay ayaa xusay in Xisbiga Kulmiye uu ka koobnaa dhoobo iyo xareed, hadana ay Burco kusoo dhoweynayaan Xareedi Kulmiye. “Kulmiye wuxuu ahaa dhoobo iyo xareed, waxaanu soo dhoweynayaa xareedi, waxaanu soo dhoweynaynaa aqoonyahankii iyo Hiddo dhaladkii Togdheer. Ragga leh (Kulmiye) waa nalagu wareejiyay waxan leeyahay Burco waa taa”.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.