WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, November 26, 2015 (Saxafi) – Qunsulka dawladda Turkiga u jooga caasimadda Somaliland ee Hargeysa, ayaa shalay si rasmi ah baajiyay kulan uu saddex maalmood ka hor ku martiqaaday Madaxda ururada Bulshada Rayidka ah iyo kuwa dhaqanka ee Somaliland maalinta, kuwaas oo uu qorshuhu ahaa inay maalinta Jimcaha ee Berrito gelinkeeda dambe ku kulmaan xarunta Qunsuliyadda Turkigu ku leeyahay Hargeysa.

Kulankan oo sida la sheegay qorshuhu ahaa in lagaga hadlo wada hadallada Somaliland iyo Somalia.

Warqad qunsulka Turkiga ee Hargeysa uu shalay u kala diray dhinacyadii uu marti-qaaday, ayaa lagu sheegay in kulankaasi baaqday kadib markii xamaasadi ka dhalatay wararkii ku saabsanaa wada hadalka madaxdhaqameedka Somaliland iyo Somalia. Qunsuliyadda ayaa hore kulan ula yeelatay qaar ka mid ah madaxda dhaqanka Somaliland, balse Xukuumadda Somaliland ayaa ganafka ku dhufatay isla markaana si cad u sheegtay inaanay jirin madax-dhaqameed ka qayb-geli kara wada-hadalada Somaliland iyo Somalia u dhexeeya.

SomlegalAds

Warqadda TurkigaQoraalkan oo uu ku saxeexnaa Qunsulka Turkiga u jooga Somaliland, Muzaffer Yüksel, ayaa waxa uu qornaa sidan: “Waxaan ka xunnahay in aan idin ogaysiino martiqaadkii aanu hore idiinku fidinay Bishan 27-keeda ee ka dhici lahaa xarunta Qunsuliyadda in aanu joojinay. Sababta aanu u baajinay kulankaasi waxa weeye xasaasiyadda ka dhalatay warar si khaldan ugu dhex fiday Bulshada. Waxaanu jecelahay in aad nala fahmi doontaan duruufaha aanu sidan u yeelay ee aanu u baajinay kulankan.

Mar labaad waxaanu idinka raali gelinaynaa xaaladdaaasi degdegga ah ee nagu timid oo aanaan filayn.”

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.