WorldRemitAds

Magaalo ku taala galbeedka dalka Jarmalka ayaa si rasmi ah u badashay laydhadhka waddooyinka kala haga ee Ishaarada loo yaqaano, waxaana lagu soo kordhiyay muuqaalo kala duwan oo samaynaya xaalado dareenada aadamiga ka mid ah.

Sida warbaahintu ku warantay ishaarooyinka dadka lugta ah fasaxa ee jidadka ayaa isu badali doona, Muuqaal wadno caashaq loo ekaysiiyay oo hoostana ay kaga jirto ama ka soo muuqanayso haweenay qurux badan oo timo dheer.

Talaabadan ayaa Maayarka  magaaladaas oo lagu magacaabo Thomas Peterman Honstjer uu rasmi ahaan ugu dhawaaqay isaga oo sheegay inuu taa ku maamusayo haweenka.

SomlegalAds

item-vc-5qOvWSQWaxa sidoo kale wakhtigaas loo qabtay bakhtiyaa-nasiib lagaga dalbanayo dadka ku dhaqan magaaladaasi inay keenaan oo soo bandhigaan qaabka ishaaradani noqon doonto waxaana ku guulaysatay haweenay taas oo keentay fareen u eg wadno jacayl oo hoosta marka uu shidmo ka muujinaya haweenay timo dheer.

Ishaarooyinkan ay dunida inteeda badani isticmaasho ayaa marka ay shidan yihiin ee ay baxayaan leh midabyo la isla wada yaqaano, oo kala duwan, kuwa dadka fasaxaana waxa ay leeyihiin oo ka soo baxa, muuqaal la moodo qof lab ah (Nin) talaabsanaya, laakiin muuqaalada noocaas oo kale ah ayay ka cadhoodeen, haweenka ku dhaqan magaaladani, waxaanay bilaabeen cabashooyin ka dhan ah.

Waana sababta keentay in ugu danbaytii maamulka golaha degaanka ee magaaladoodu u badalo, oo sida ay jariirada ugu wayn dalka Jarmalku sheegtay haweenka loo ogolaaday in raga iyo muuqaalkooda laga suuliyo.

Laakiin dedaalada noocan oo kale ah ayay warbaahintu su’aalo iska waydiinaysa sida ay u sii xoogaysan karaan ama u noqon karaan, kuwo wax ka tara halganka haweenku ugu jiraan sidii ay raga ula sinaan lahaayeen ama uga awood badan karaan.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.