WorldRemitAds

Riyaad, Sucuudiga, December 10, 2016 (Saxafi) – Dawladda Dalka Sucuudi Carabiya, ayaa la sheegay inay mar kale si ku-meel-gaadh ah u xayirtay xoolihii looga soo dhoofin jiray Somaliland iyo Somalia.

Qoraal ay soo saartay Wasaaradda Beeraha, Deegaanka iyo Biyaha ee dalka Sucuudiga, isla markaana la sheegay in loo qaybiyey dhammaan Maxjaradda Dalka Sucuudiga iyo kuwa ku yaal dhulka Soomaalida ee Somaliland iyo Somalia, ayaa la sheegay in si ku-meel-gaadh ah loo joojiyay xoolaha dalkaas Sucuudiga uga iman jiray Somalia, iyadoo qoraalka aan lagu kala caddeyn in Somaliland ay ku jirto.

Sida ku cad qoraalka ay Dawladda Sucuudigu u qaybisay Maxjarada Xoolaha, waxaa tan sabab u ah kadib markii xanuun laga helay shixnad xoolo Lo’ ah oo dhammayd 2975 neef oo Dibbi ah (laba kun sagaal boqol iyo toddobaatan iyo shan), taas oo dalka Sucuudiga gaadhay 16kii Bishii November 2016, kadibna laga qaaday baadhis dhiig, taas oo baadhistii oo soo baxday 17kii bishii ina dhaaftay ee November 2016 lagu sheegay in xoolahaasi laga helay xanuun oo aanay ahayn kuwo badqaba.

SomlegalAds

Sida warar xog-ogaal ahi Saxafi u sheegeen shixnadda Dibbida ahayd ee laga helay xanuunkan, ayaa laga dhoofiyay dekedda magaalada Muqdisho bishii ina dhaaftay ee November, sidaas darteedna uu go’aankan ku meel-gaadhka ahi ka soo baxay dawladda Sucuudiga.

Akhri Go’aanka Xayiraadda ee af-Carabi Ah

qaraarGo’aankan oo uu ku saxeexna Wasiirka Deegaanka, Beeraha iyo Biyaha Sucuudiga, Cabdiraxmaan Binu Cabdi-Muxsin, ayaa sida ku cad waxaa lagu sheegay in si-ku-meel-gaadh ah gebi ahaanba loo joojiyay xoolihii Sucuudiga uga soo dhoofi jiray dalka Somalia, iyadoo lagu wargeliyay dhammaan ganacsatada iyo maxjarada ka hawl-gala ganacsiga iyo dhoofka xoolaha ee dalkaas Sucuudiga.  Qaar ka mida ganacsatada Xoolaha ee ku sugan magaalada Jeddah ayaa VOA u sheegay inuu ka soo baxay Wasaradda Deegaanka, Beeraha iyo Biyaha ee Sucuudiga amar ah inay hakiyeen si ku-meel gaadh ah loo hakiyey Xoolihii Soomaalida ee dalkaas tegayey.

Dawladda Federaalka Somalia, oo ka hadashay go’aankan uu Sucuudigu ku xayiray xoolihii uga dhoofi jiray Somalia, ayaa xaqiijiyay inay heleen qoraalkaas ay dawladda Sucuudigu ku xayirtay xoolaha, balse wasiirkeeda Xanaanad Xoolaha waxa uu sheegay inay baadhiyaan sababta keentay xayiraadda oo aanay ilaa hadda jirin cuduro ay ku ogyihiin Xoolaha Soomaalida inay hayaan.

Hase yeeshee, Dawladda Somaliland, ayaa ilaa hadda ka hadal go’aankan Sucuudigu ku xayiray Xoolaha Somalia uga dhoofi jiray, iyo in go’aankaasi ay Somaliland ku jirto.  Sidoo kale, ilaa hadda la ogga in go’aankan ama xayiraaddani saameyn ku leedahay xoolaha dhinaca Somaliland uga dhoofa Sucuudiga, kaas oo lagu tilmaamo inuu yahay ka ugu badan ee Sucuudiga uga dhoofa dhulalka ay Soomaalidu degto ee Bariga Afrika.

Tallaabadan ayaa ku soo beegmaysa wakhti Abaaro ba’ani ka jiraan deegaanada Somaliland ee hoddanka ku ah xoolaha nool ee dibadda loo dhoofiyo, iyadoo tiro badan xoolahaasi ah ay ku dhinteen abaarahaas.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.