WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, December 10, 2016 (Saxafi) – Wasiirkii hore ee biyaha iyo khayraadka Dabiiciga Baashe Cali Jaamac, ayaa markii ugu horeysay ka hadlay xil ka qaadistii lagu sameeyey iyo sida uu arko.

Baashe Cali Jaamac ayaa sheegay inay madax badan oo xisbiyadda iyo madaxda xisbiga KULMIYE is argkeen, isla markaana xilkii uu qaranka u hayey ee ahaa inuu deegaankiisa ku xidho Somaliland uu wali sidii yahay.

Ugu horeyn Baashe Cali Jaamac oo ka hadlaya xilka laga qaaday waxa uu yidhi “Xilku waa meerto, xilka madaxweynaha markii horaba ii dhiibay isagana iga qaadi kara, xilka la iga qaadayna xilkii qaranka aanu hayey maahee, waa xilkiii aan wasaaradda biyaha u hayey, gudidii wareejinaysay waan diyaariyey waana magacaabay, wasiirkii cusbaana waan u hambalyey waaana nin aanu isku deegaan ka soo jeednay”

SomlegalAds

Wasiirkii hore ee Biyaha waxa uu sheegay in xilkaasi la iga qaaday waxba ka bedeli doonin mabdiisii hore ee uu qaranka ugu shaqaynaayey, waxaanu yidhi “ Intii aan xilka hayeyna waan ka hadlay mar haddii aan xilkii ka tagayna waxba ka sii hadli maayo, madax ka tirsan xisbiga kuliye, xisbiyada mucaaradka ah oo aanu is aragnay iyo kuwo aanu maanta balansanahayba way ka wada xumaadeen xilkaas ila iga qaaday, waxaanse u sheegay in aanu xilkaasi aan ka tagay iga bedeleen mabaadidaydii, iyo inaan isku soo xidho beeshayda iyo Somaliland, haddii aanay wax kale dhicin waxaan illaa imika ka tirsanahay xisbiga KULMIYE, dadka qaar baa yidhi afar qof oo afka isa saaray ayaa yidhi wuxuu ugga tagayaa Somaliland, waxaan ahaa ninkii ugu horeeyey ee xanaanadda xoolaha aasaasay 1991kii, waxaan ahaan jiray wasaaraddii macdanta iyo biyaha 1994kii wakhtigii Cigaal,  waa  xilkii (xilkan maanta laga qaada) ugu horeeyey ee aniga oo wasiir ah la iga qaaddo, madaxweyne Cigaal laba jeer baan iska casilay oo hadana la igu celiyey, markii dambana anigoo wasiir ah ayaa la tartamay Daahir Rayaale Kaahin 1997kii madaxweyne ku xigeenka oo isaga iga helay, muddo labaatan sanno mucaarad baan ku noqday Somaliland oo SSC iyo khaatumo raggii aasaasay baan ahaa markii aan arkay in aanay I wadeen ayaan iskaga imid oo aan arkay in aanay dadkayga wadaynin ayaan u imid Somaliland”

Isagoo hadalka sii wata waxa uu yidhi “Xisbiyadda waanu is aragnay oo xoghayaha guud ee xisbiga WADANI waanu is aragnay dee xil la iska qaadaa wax weyn maaha oo waa xaq uu madaxweynuhu leeyahay, marka xilka qaranka u hayey wali waan hayaa”

Mar la waydiiyey in uu xil ka qaadista ku aanaynayo wasiirka Madaxtooyadda ayaa yidhi “Anigu Maxamuud Xaashi xil uma hayn waa wasiir aniga ila mid ah, wasaaradda madaxtooyadda ayuu hayaa, anigu waagii aan joogay wasiirka madaxtooyaddu wasiir karaani ah oo madaxweynaha u adeega ayuu ahaan jiray bal  isaga waydiiya inaanu is haynay iyo in kale”

Mar uu ka hadlayey caqabado badan oo hortaallay markii uu ku jiray diiwaangelinta gobolka Sool, waxaanu yidhi “Dee caqabado badan ayaa jirtay oo aan ogolayn in diiwaangelintu ka dhacdo, caqabado badan ayaa igala kulmay diwaangelintaasi, waxaan ku talogalay in dagaal meelo badan igaga yimaado oo Xamar igaga yimaado, oo Garoowe igaga yimaado oo rag halkan joogaa ogolayn, waxaan oo dhan waanu u babac dhinay waanu ka hirgalinay aniga iyo raggii igala shaqeeyey, waxa kalsooni badan igu qaba beeshayda iyo dad badan oo Somaliland.”

Baashe ayaa sheegay in aanu madaxweynaha si gaar ah isku arag muddo afar bilood ah, waxaanu sheegay inuu madaxweynaha la kulmi doonno si uu ugu gudbiyo arrimobadan oo uu tirsanayo, waxaanu ballanqaaday haddii uu kulankaasi suurogali waayo inuu warbaahinta wax badan oo jira u warami doonno, isagoo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Madaxweynaha afar bilood  gaar ah maanu kulmin, waxaan isku dayeyaa in aan madaxweynaha iyo madax kale inaanu hawshaasi ka wada hadalno, warkaygu maanta oo kale kuma eega warkan aad doonaysa waa mid idin dhiman oo aan kaga hadli doonaa marka madaxweynaha is aragno, xukuumaddii aan ka tirsana ceebteedda inaan banaanka dhig dhigo ma jecli waa inaan gudaha ka saxo.”

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.