WorldRemitAds

Burco, Somaliland December 10, 2016 (Saxafi) – Laba Baabuur oo raashin u sidday ciidanka Qaranka Somaliland, isla markaana toddobaadkii hore lagu afduubay meel labaatan kiilomitir ku jirta tuuladda Samokaab ee gobolka Togdheer, ayaa la sheegay inay labaddii baabuur ee raashinka u siday ciidanka qaranka lagu hayo degmadda lagu magacaabo Geed dheer oo koonfurta galbeed ka xigta magaaladda Widh-widh oo u dhow xadka ay wadaagaan Itoobiya iyo Somaliland.

Wararka aanu ka helayno labadda baabuur oo laga afduubay bishan December afarteeddii tuuladda Samo kaab oo ka tirsan gobolka Togdheer, ayaa kooxdan afduubtay ku andocootay inay u haystaan gaadiid lagu qabtay dagaalo ka dhacay degmadda Xudun ee gobolka Sanaaag oo muddo laga joogo saddex illaa afar sanadood.

Mulkiilayaasha labadan baabuur oo aanu la xidhiidhnay ayaa sheegay in labada baabuur ee kooxdaasi afduubay lahaayeen dad shacab ah, isla markaana raashin u wadday ciidanka qaranka ee deegaanka bariga.

SomlegalAds

Kooxdan afduubay labadda baabuur ayaa wararku sheegayaan inay wada hadal u socdaan saraakiisha sar sare ee ciidanka iyo madax dhaqameedka sidii loo soo deyn lahaa labadda baabuur ee shacabka ah.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.