WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland August 28, 2018 (Saxafi) – Hay’adda Qurbajoogga Somaliland ee Wasaaradda Arrimaha Debadda & Iskaashiga Caalamiga ah JSL ayaa shalay Isniin 27-ka August ku qabatay Shir Sannadeedkii 4aad ee Qurbajoogga Somaliland Hudheelka Crown ee Magaalada Hargeysa.

Shirkan oo furay Wasiirka Arrimaha Debada & Iskaashiga Caalamiga ah JSL Dr sacad Cali Shire ayaa sannadkan barnaamijkiisa ay ugu weynayd in looga mahad celiyo dadka Qurbajoogga ah maalgashiga waafiga ah iyo shaqo abuurka ay gaysteen dalkan Jamhuuriyadda Somaliland ayaa waxa ka soo qaybgalay ku dhawaad seddex boqol maalgashade qurbajoog ah oo ganacsiyo kala duwan oo noocyada yaryar iyo ganacsiga heerka dhexe ku leh dalka gaar ahaan intooda badan caasimadda, martisharaf kale oo qurbajoog iyo qaran joogba isugu jiray, hay’ado samafal wadani iyo caalamiba isugu jira sida IOM iyo Shuraako, masuuliyiin ka tirsan dawladda JSL iyo xubno kale oo lagu soo martiqaaday shirka.

SomlegalAds

Waxa ugu horrayn ka hadlay Guddoomiyaha Hay’adda Qurbajoogga JSL Mudane Cabdi Cabdullaahi Xirsi (Dayaxweerar) oo sheegay in ujeedada shirku tahay shir sannadeedkii 4aad ee qurbajoogga oo sannadkan u yahay munaasibad looga mahad celinayo qurbajoog badan maalgashiga iyo shaqo abuurka ay dalkooda ku sameeyeen, laguna maamuusayo shahaadooyin abaalmarineed, isla markaana uu yahay farriin loo gudbinayo qurbajoogga Jaalliyadaha tirada badan ee Somaliland ee wadamada caalamka ku baahsan inay soo maalgashadaan dalkooda.

Gebagebadii, waxa shahaadooyin abaalmarineed (Awards) la guddoon siiyay ku dhawaad 200 ganacsiyo kala duwan oo qurbajooggu maalgashaday ah. Waxa sidoo kale lagu soo bandhigay liiska mudan abaalmarimaha, dhawr hay’adood iyo ururo samafal ay qurbajooggu leeyihiin, aas’aaseen ama qayb ka yihiin oo badankoodu muddo dheer door waxku ool ah ku lahaayeen horumarinta adeegyada bulshada sida waxbarashada, caafimaadka, taakulaynta dadka jilican, qaarkoodna illaa hadda door waxtar leh kaga jiraan tabarucaadkaas iyo gargaarka horumarineed ee dhinacyo kala duwan arrimaha  bulshada.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.