WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, November 30, 2015, (Saxafi) – Muwaadin Somalilander ah kuna nool magaaladda Hargeysa ayaa soo bandhigay mishiin yar oo ah nooca korontada dhaliya kaasi oo aan haba yaraatee wax shidaal ah ku shaqaynayn.

Siciid Saleebaan Geelle oo ah muwaadin reer Somaliland ah ayaa soo bandhigay natiijada tijaabo uu muddo ku hawlanaa oo uu ku hindisay mishiinkan oo halkii shidaalka uu kaga shaqaynayay uu ku baddalay tamar ka fuddud.

Muwaadinkan reer Somaliland, Siciid Saleebaan Geelle, oo Weriye Aadan Cabdi Ciidle oo HCTV ka tirsan, ku booqday goobta uu ku sameeyay mishiinkan ayaa sheegay isaga oo ka waramaya waxa ku sababay inuu mishiinkan sameeyo “sababta ugu weyn ee igu kaliftay inaan mishiinka soo saaro waxay tahay bal si aan huromar usoo kordhiyo oo shidaalka looga maarmi karo, maadaama uu yahay shidaalku qaali” sidaa ayuu yidhi, waxaana uu intaas sii raaciyay “waxaan aad u jecelahay bal inaan si degdeg ah hawshaa inkasta oo ay iga dhiman tahay boqolkiiba toban (10%) aan u dhamaystiro, kana uu noqdo mid hirgala, maadaama uu ijiinkan kuwii galena, kuwa ka waaweyna waa lagu samayn karaa” ayuu yidhi Siciid.

SomlegalAds

Somalilander Ikhtiraacay Mishiin Tamar Fudud Ku ShaqeynayaMishiinkan ku shaqeynaya qayb tamarta qoraxda ah. ayaa muuqaal laga soo duubay isagoo la istaadhay oo shaqeynaaya, kaas oo u shaqeeyay sidii shidaalka marka lagu shubo u shaqeeyo, waxaana si arrintani ay u kala cadaato uu muhindiska sameeyay tusay wariyaha isaga oo foorariyay taangiga.

Aqoonyahanka ikhtiraacay mishiinkan ayaa dawladda iyo cid kasta oo ka caawin karta hirgelinta hamigiisan ka codsaday in lagu garab istaago “waxaan ka codsanayaa in la igu garab istaago, aniga oon dhaqaale iyo lacag midna kaga rabin, oo inta iga dhimana aan doonayo inaan dhakhso u dhmaystiro, balse waxaan ka rabaa in dhiirigelin hiil iyo hooba leh la ila garab istaago” ayuu yidhi.

Farsamoyaqaanada ama aqoonyahannada Somaliland ayaa muddooyinkii u dambeeyay waxay soo bandhigayeen isku dayo ay doonayaan inay kor ugu qaadaan wax soo saarka.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.