WorldRemitAds

Boorama, Somaliland, November 3, 2015 (Saxafi) – Suldaan Axmed Suldaan Cilmi Rooble Furre (Cilmi Kabaal) ayaa shalay si rasmi ah loogu caleemo saaray Magaalada Qulujeed.

Suldaan Axmed Suldaan Cilmi Rooble ayaa buuxin doona Hogaankii beesha Reer Dudub oo ka mid ah ardaayada Beelaha Jibriil Yoonis ee Deegaanka Boorama ee u baneeyey Aabihii Marxuum Cilmi Kabaal oo sannadkan geeriyooday.

Xaflad lagiu caleemo saarayey Suldaanka cusub ee Beesha Reer Dudub ayaa waxa ka soo qayb-galay Xubno ka mid ah hogaamiye dhaqameedyada Gobolka Awdal iyo kuwa ka socday gobolada kale ee Somaliland, masuuliyiin ka tirsan Golaha Wasiirada, xukuumadda madaxweyne Siilaanyo oo ay ka mid ahaayeen, wasiirka Boosaha iyo isgaadhsiinta Maxamed Jaamac Abgaal, wasiirka waxbarsashada Cabdillaahi Dheere, Wasiir ku xigeenka Wasaaradaas, Guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda, badhsaabbo, aagaasimayaal, Fanaaniin iyo dadweyne tiro badan oo kalle.

SomlegalAds
Suldaan Axmed Suldaan Cilmi Rooble Furre (Cilmi Kabaal)
Suldaan Axmed Suldaan Cilmi Rooble Furre (Cilmi Kabaal)

Munaasibaddan caleemo saarka Suldaanka cusub waxaa si xoogleh uga qayb qaatey dhallinyarada fanka ee loo yaqaan Xiddigaha Geeska.

Khudbado tiro badan oo halkaa laga soo jeediyay ayaa lagaga sheekeeyey kaalintii u dhismaha Somaliland ka soo qaatay marxuum Cilmi Rooble iyo magacii uu ku lahaa dhulka Soomaalidu degto, iyagoo dhinaca kalena wiilkiisa ugu duceeyey inuu ilaahay u fududeeyo hogaaminta  beelaha Qulujeed, kuna maamulo caddaalad, dulqaad iyo caqli, waxana khudbadihii halkaa lagasoo jeediyey aad ugu yaraa arrimaha siyaasadda.

Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta Maxamed Jaamac Abgaal oo ka mid ahaa masuuliyiintii munaasabadda caleemo saarka Suldaanka ka hadashay ayaa sheegay inay wada-hadallo u socdaan xukuumadda iyo suldaan Wabar, isagoo arrimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi. “Waxaan marka hore soo dhaweynayaa Suldaanka cusub ee Beesha reer Dudub Suldaan Axmed Suldaan Cilmi oo ah nin aan ku ogahay caqli badan iyo maskax badan anigoo Ilaahay uga baryaya in Ilaahay hogaaminta beesha u fududeeyo. dhinaca kale, waxa wada hadallo u socdaan  Suldaan Wabar iyo Xukuumadda wayna wada xidhiidheen, waxaanan ku rajo weynahay  in Suldaan Wabar si ragannimo leh uu dalkiisa  iyo dadkiisa ugu soo laaban doono.”

Magaalada Qulujeed oo ah halkii lagu caleemo saaray Suldaanka falaagoobay ee Wabar ayaa dhinaca kale  xubno ku hadli lahaa guddi beeleed uu magacaabay, taageerana siiya laga horjoogsaday inay khudbad ka jeediyaan xafladdan caleemo saarka Suldaanka cusub kaddib markii loo arkay  inay tahswiish gelin karaan qaban-qaabada xafladda caleemo saarka  Suldaanka cusub ee beesha reer Dudub.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.