WorldRemitAds

Wasiirkii hore ee Madaxtooyadda Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xassan oo shalay ka hadlay Kulankii Isbahaysiga ayaa tilmaamay in aan la yaraysan karrin awoodda shirkan shalay isugu timi, Islamarkaana jidka guuldaradu yahay inaad dadka yaraysato. “Nin baa la yidhi Ragg ka waran, waxaa uu yidhi wixiisana u daa waxaana ugu dar, waa lagu celiyay haddana oo waxaa la yidhi ku noqo, wuxuu yidhi waxa iga yaqaan ninka sagaal nin oo walaalo ah siddeedna dilay kii sagaalaadna u xidhan yahaye hala weydiiyo. Immika Ninka xukumaddii uu xisbiga u ahaa badh ka tagay, ee ku xigeennadiisii ka tageen ee ku xigeennadii baarlamaanku halkan fadhiyaan, ee guddidii fulinta badankeedii ka tageen, ee musharaxiintii la tartamaysay halkan fadhiyaan ee golihii dhexe ka tageen ee wali leh waxba inagama qasna ee inoo wada bal bari aynu taariikhda eegno,”  ayuu yidhi Xirsi Cali Xaaji Xasan.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.